Hantidhowraha DFS oo sheegay in loo hanjabey

Image

January 21, 2015 (GO)- Hantidhowraha guud ee Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in is hor taag lagu sameeyey shaqada xafiiska Hantidhowrka oo ku dhex yaala xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia.

Nuur Jimcaale Faarax oo shir-jaraa'id magaalada Muqdisho ku qabtey, wuxuu sheegay in maamulka iyo shaqaalaha xafiiska  loo hanjabey islamarkaana loo diidey inay gudaha usoo galaan xarunta madaxtooyada.

Hantidhowraha ayaa dhanka kale xusay in ilaalada  madaxtooyadu rasaas ku fureen gaarigiisa, amarkaasna bixiyeen saraakiisha hoggaamisa ilaalada madaxtooyada, waa sida uu hadalka u dhigaye.

"xafiiska Hantidhowrku waa shaqeyn la'yahay...waxaa loo diidey gaarigeygu inuu soo galo madaxtooyada, waxaa laysku dayey in dhib la ii geysto...waxaa iska cad inaan la rabin wadankani inuu horay u maro isla xisaabtankana la meel mariyo" ayuu yiri.

Ugu dambeyntii wuxuu sheegay in xafiiska Hantidhowrku dadaal badan ku bixiyey sidii hantida qaranka loo ilaalin lahaa, balse ay jiraan qaar kamid ah  mas'uuliyiinta ugu sarreysa dowladda oo arintaas aan raali ka ahayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgalka AUSSOM oo laga cabsi-qabo inuu burburo

Sida laga soo xigtay Youssouf, farqiga maalgelinta ayaa gaaray $180 milyan inkastoo taageero ay ka heleen dhowr saaxiibadood.

  • Soomaliya

    01-10-2025

  • 11:52AM

Soomaaliya iyo Uganda oo Saxiixaya Saddex Heshiis iyo Xasan Sheekh oo ku wajahan Kampala

Guddigan JPC ayaa la aas aasay sanadkii 2022 si loo dardargeliyo iskaashiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee labada dal.

  • Soomaliya

    01-10-2025

  • 06:23AM