Hantidhowrka: $96 milyan ayaa ka maqan qasnada dowladda
MUQDISHO, Soomaaliya - Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka Soomaaliyeed ayaa Talaadada maanta ah waxa uu soo bandhigay Warbixinnada Baarista Sannadlaha ee 2021-ka.
Warbixinnada ayaa lagu xusay xog muhiim ah oo ku aaddan khaladaad la xiriira sida Hay’adaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ay u maareeyeen heshiisyada, iibka, deeqaha dibadda iyo daymaha qaranka.
Warbixinnada ayaa waxay kala yihiin;
1) Warbixinta Baarista Maaliyadeed (Xisaab-xirka DFS)
2) Warbixinta U Hoggaansanaanta Sharciga
3) Warbixinta Daahfurnaanta, Isla-xisaabtanka iyo U-dhammaanshaha Iibka la xiriira COVID-19.
4) Warbixinta Dib-u-eegista Habraaca Xukuumadda ee Mashaariic Hay’adaha Caalmiga
5) Warbixinta Baarista Nidaamka Maaraynta Xogta Maaliyadda Soomaaliya (SFMIS)
Maxamed Cali Afgooye, hanti-dhowraha qaranka oo la hadlay saxaafada, ayaa shaaca ka dhigay in baaritaanka ay ku ogaadeen in $96 milyan doolar ay ka maqan tahay qasnada dowladda.
"In ka badan $96 milyan ayaa ka maqan qasnada dowladda; $21 milyan kamid ah waxaa deyn ahaan looga qaatay Bangiga Dhexe sanadkii 2021-kii iyadda oo aan la caddeyn waxay tahay," ayuu xusay.
Baaritaanka ayaa si gaar ah waxaa loogu sameeyay 29 hay'ado dowli ah iyo laba safaaradood. "29 hay’adood oo la baaray ma lahayn qorshaha iibka sannadlaha. Guud ahaan hay’adaha DFS ayaa 2021 sameeyay iib dhan $106M," ayay raacisay warbixinta.
"105 heshiis oo ku kacay lacag dhan $14M oo aan laga soo diiwaangalin Xafiiska Hantidhawrka Guud," ayaa lagu yiri qormadda oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online.
Soomaaliya ayaa kamid ah wadamadda ugu musuqmaasuqa badan aduunka. Mas'uuliyiinta xilalka haya ayaa si ba'an ugu takrifala awooda dowladda kuna kaca is-dabamarin maaliyadeed.
GAROWE ONLINE