Hawada iyo Jidadka Muqdisho oo la xirayo labada casho soo aadan
MUQDISHO, Soomaaliya - Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud oo ka hadlay fadhiga Golaha Shacabka ayaa shaaca ka dhigay in dowladda ay qorsheyneyso in Talaadada berri ah ay xirto hawada dalka "sababo ku aadan hal diyaarad oo soo dageysa" iyo "iyaddoo aan digniin la siin muwaadiniint dalka kusoo fool leh".
Jidadka caasimada ayuu raaciyey in la xiri doono labada maalmood ee soo aadan. Dowladda federaalka ayaa wali ku dhawaaqin arrinkan. Warar kala duwan ayaa kasoo baxay qadiyaddan.
Xogta qaar waxay sheegaysaa in ay caasimadda imaanayaan wasiiradda difaaca dalalka ciidanka ku taageeray ATMIS kuwaasoo ka hadli doona arrimo la xiriira masiirka howlgalka iyo la dagaalanka Al-Shabaab.
Geesta kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo isla kulankan ka hadlay ayaa ku baaqay in mudaneyaasha ay maalin gaar ah ka doodaan xiritaanka waddooyinka magaaladda.
"Dadka iyo annaga waa is nici rabnaa waxba ma ogidiin; anaga xasaanada kusoo marnaa jidadka, laakiin dadka waa shaqeysan la'yihiin waana soco la'yihiin," ayuu hoosta ka xariiqay.
Dhinaca kale, buuq kooban ayaa ka dhacay kulanka Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya kadib markii Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed uu "dal" ku tilmaamay maamulka Somaliland.
Mudaneyaasha ayaa codsadey in uu raaligelin ka bixiyo dhawaqaas balse si toos ah ugama cudurdaaran. Hadalkan ayuu sheegay xilli uu ka hadlayay sharciga NISA oo uu xusay in ay la barbardhigeen dalalka deriska.
Somaliland ayaa 1991-kii waxay sheegatay in ay ka madax-banaan tahay Soomaaliya inteeda kale. Hase ahaatee, waxaa caalamka u aqoonsan yahay maamul goboleed hoostaga Muqdisho. Wadahadalada dowladda federaalka iyo maamulka Hargeysa oo dhowr jeer qabsoomay ayaanan wali kasoo bixin natiijo kama dambeys ah.
GAROWE ONLINE