Hawlgallo ammaanka lagu sugayo oo Muqdisho laga sameeyey

Image

February 18, 2015 (GO)- Hawlgal baaritaan ah ayaa maanta laga sameeyey qaybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Af-hayeen u hadlay Wasaaradda Amniga ayaa sheegay in hawlgalladani yihiin kuwo ammaanka lagu xaqiijinayo.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ciidamadu heegan sare ku jiraan si ay uga hortagaan weerarro la qorsheeyey oo laamaha sirdoonku ka war heleen.

Ciidamo ka tirsan nabad-sugidda ayaa maanta lagu arki karey jidadka waaweyn ee muhiimka ah iyaga oo baaraya dadka iyo gaadiidka.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa soo xumaanayey todobaadyadii u dambeeyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM