Hawlgallo dad lagu soo qabtey oo Muqdisho laga sameeyey

Image

February 10, 2015 (GO)- Ciidamada nabad-sugidda iyo kuwa booliska oo is kaashanaya ayaa saaka hawgallo ammaanka lagu sugayo ka sameeyey xaafado mgaalada Muqdisho ka tirsan.

Xaafadaha baaritaanka laga sameeyey waxaa kamid ah Xamar Jajab, Xamar weyne iyo Waaberi.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka Dowlada Federaalka ayaa sheegay in hawlgalka lagu soo qabtey hub, gaadiid iyo xubno lala xiriirinayo Al-shabaab.

Saraakiishu waxay sidoo kale sheegeen in hawlgallada caynkan ahi noqon doonaan kuwo joogto ah tan iyo inta magaalada laga sifeynayo kooxaha nabadgelyada khatarta gelin kara.

Baaritaanka saaka ciidamadu ka sameeyeen qaar kamid ah xaafadaha Muqdisho ayaa kusoo aadaya maalin kadib markii koox Al-shabaab ka tirsani toogasho ku dishey Xildhibaan Cabdulaahi Qayaad Barre.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgalka AUSSOM oo laga cabsi-qabo inuu burburo

Sida laga soo xigtay Youssouf, farqiga maalgelinta ayaa gaaray $180 milyan inkastoo taageero ay ka heleen dhowr saaxiibadood.

  • Soomaliya

    01-10-2025

  • 11:52AM

Soomaaliya iyo Uganda oo Saxiixaya Saddex Heshiis iyo Xasan Sheekh oo ku wajahan Kampala

Guddigan JPC ayaa la aas aasay sanadkii 2022 si loo dardargeliyo iskaashiga siyaasadeed iyo dhaqaale ee labada dal.

  • Soomaliya

    01-10-2025

  • 06:23AM