Hawlgallo dad lagu soo qabtey oo Muqdisho laga sameeyey

Image

February 10, 2015 (GO)- Ciidamada nabad-sugidda iyo kuwa booliska oo is kaashanaya ayaa saaka hawgallo ammaanka lagu sugayo ka sameeyey xaafado mgaalada Muqdisho ka tirsan.

Xaafadaha baaritaanka laga sameeyey waxaa kamid ah Xamar Jajab, Xamar weyne iyo Waaberi.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka oo la hadlay warbaahinta ku hadasha afka Dowlada Federaalka ayaa sheegay in hawlgalka lagu soo qabtey hub, gaadiid iyo xubno lala xiriirinayo Al-shabaab.

Saraakiishu waxay sidoo kale sheegeen in hawlgallada caynkan ahi noqon doonaan kuwo joogto ah tan iyo inta magaalada laga sifeynayo kooxaha nabadgelyada khatarta gelin kara.

Baaritaanka saaka ciidamadu ka sameeyeen qaar kamid ah xaafadaha Muqdisho ayaa kusoo aadaya maalin kadib markii koox Al-shabaab ka tirsani toogasho ku dishey Xildhibaan Cabdulaahi Qayaad Barre.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM