Hay'adda UNDP oo soo bandhigtey waxqabadkeedii 2014

Image

April 13, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kaga qeyb galay munaasabad  Hay’adda UNDP kusoo bandhigaysay mashaariicdii horumarineed ee ay Puntland ka fuliyeen sanadkii 2014 iyo mashaariicda ay rabaan in sanadkaan ka hirgeliyaan Puntland.

Mas’uuliyiintii ka qeyb galay barnaamijkaan oo isugu jiray golayaasha dowladda iyo shacabka ayaa hay’adda UNDP weydiiyay su’aalo la xiriiray mashaariicda ay ka hirgeliyeen guud ahaan Gobolada iyo Degmooyinka Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa lagama maarmaan ku tilmaamey in dadka Puntland loo tilmaamin waxa loo qabanayo balse iyagu ay soo gudbistaan baahida ay qabaan iyo waxa ay rabaan in loo qabto.

"sababtu waxaa weeye dhaqaalaha ay hay’aduhu helaan waa dhaqaale dalka Soomaaliya loogu talagalay, waana dhaqaale ay soo bixiyaan dadka canshuur bixiyayaasha ee wadamada dhaqaalaha bixiya" ayuu yiri isagoo intaas raaciyey " yeysan idinka hoos bixin inay muhiim tahay  in mar walba laga turjumo baahida dhabta ah ee shacabka reer Puntland ay leeyihiin, loona gudbiyo hay’addaha"

Madaxweyne Gaas ayaa madaxda hay’adaha dawladda Puntland kula dardaarmay hadii ay arkaan in la soo bandhigo wax aan dadka iyo dalka Puntland dan ugu jirin inay joojiyaan islamarkaana cida soo bandhigtay u sheegaan inaan waxaan dan ugu jirin shacabka reer Puntland.

Mashaariicda hay’adda UNDP ay ka fuliso Puntland ayaa lagu wadaa in sanadkaan uu ka duwanaado sanadihii hore islamarkaana adeegyadooda ay gaarsiiyaan dhulka ka baxsan laamiga.

IMG_6855

IMG_6801

IMG_6839

IMG_6906IMG_6939

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM