Heritage: 51% ayaa doonaya hab Beeleed lagu soo xulo Barlamanka

Image

14 December, 2015(GO)-Machadka cilmi baarista ee Heritage ayaa soo bandhigay natiijada cilm-baaris laga sameeyey magaalooyin ka mid ah Soomaaliya, oo ku saabsan qaabka lagu soo xuli karo xildhibaannada Soomaaliya ee sanadda 2016-ka.

Cilm-baaristan Heritage ayaa waxaa kasoo baxay in, maaddaama doorasho xor ah aanay dhaceynin, in ka badan kala bar (51 boqolkiiba) dadka ay sheegeen in odayaasha dhaqanka ama in waxgaradka beel kasta (clan constituency assembly) ay yihiin habka xulidda oo ay door bidayaan. 

In ka badan 27 boqolkiiba oo dadkaasi kamid ah ayaa ku jawaabay in ay doonayaan in odayaasha dhaqanku ay soo xulaan xildhibaannada sidii ay usoo xuleen 2012, halka ku dhawaad afar meelood meel ay doorbidayaan in waxgaradka beeluhu ay soo xulaan xildhibaannada, sida cilmi-baarista lagu ogaaday.

Sida ay leedahay Heritage, hab xulid ku saleysan gobollada/maamul goboleedyada ama degmooyinka ayaa sidoo kale ahaa hannaan ay doorbidayeen qaar badan oo ka mid ah dadkii xog uruurinta laga sameeyay.

41 boqolkiiba ayaa door bidday degmooyin ama maamul goboleedyada/gobollada in lagu saleeyo metalaadda intii qabiil lagu saleyn lahaa. Ku dhawaad afar meelood meel (22 boqolkiiba) waxa ay sheegeen in ay doonayaan in degmooyinka lagu saleeyo soo xulidda xildhibaannada, halka (19 boqolkiiba) ay doorteen in soo xulista xildhibaannada lagu saleeyo maamul goboleedyada.

Heritage waxa ay sheegtay in cilmi-baaristan ay tahay natiijada xog lagu kalsoonaan karo, metelina karta dadka deggan shan magaalo ee ka mid ah magaalooyinka ugu dadka badan Soomaaliya, si ay cilmi-baaristu wax ugu biiriso geeddi-socodka siyaasadda Soomaaliya.

Mcahadkaan oo siyaasad ahaan ku dhow madaxda dowlada Federaalka ayaa waxaa kamid ahaan jirey wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah Cabdiraxman Caynte.

Xigasho: VOA+ GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Hal qodob ayaan ka qaadanay war-murtiyeedkii shirka Kismaayo

Wuxuu tilmaamay in dowladda Federaalka ay mar walba u taagan tahay dhegeysiga aragtiyada kala duwan ee siyaasadeed.

  • Soomaliya

    24-12-2025

  • 08:37AM

Gollaha Ammaanka oo Mudo Kordhin u Sameynaya Howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya

Si kastaba ha ahaatee, qoraalka ugu dambeeya ayaa la sheegay inuu xaqiijinayo in howlaha UNTMIS ay dhammaan doonaan 31 October 2026.

  • Soomaliya

    23-12-2025

  • 12:15PM