Heshiis dhexmaray Soomaaliya iyo Qadar oo la meelmariyay

Image
Shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiiradda oo qabsoomay maanta ayaa lagu ansixiyey heshiiskan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirrada ayaa meel-mariyey Qaraarka Adkaynta Hufnaanta Maaraynta Maaliyadda Dalka oo ka kooban 8 qodob oo saldhiggiisu yahay Maaraynta Maaliyadda Guud ee Dalka, Maaraynta Dakhliga Dalka, Iibka iyo Qandaraaska Qaranka, Maareynta Hantida Guud ee Qaranka iyo Maamulka iyo Maaraynta Shaqaalaha.

Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo guddoominayey Shirka Golaha Wasiirrada ayaa tilmaamay in qaraarkani uu yahay mid muhiim u ah ilaalinta hantida guud ee dadweynaha, la-dagaallanka musuq-maasuqa iyo in hantida qaranka loo maareeyo si hufan oo u adeegaysa danaha guud.

Shirka ayaa waxaa lagu meel-mariyey Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda iyo Siyaasadda Howlgabka Shaqaalaha Rayidka.

Sharcigani oo ah mid ilaalinaya xuquuqda Shaqaalaha Dowladda ee howl-gabka noqda iyo kuwa ay waxyeelladu soo gaarto iyaga oo gudnaya waajibaadka qaranka ayaa waxaa soo gudbiyey Wasaaradda Shaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada.

Sidoo kale, Shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu ansixiyey Heshiis Is-afgarad dhinacyada Caafimaadka iyo Shaqo Abuurka oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar iyo Siyaasadda Qaran ee dhallinyarada oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM