Heshiis hordhac ah oo laga gaarey colaaddii degmada Guriceel

Image

March 5, 2015 (GO)- Heshiis hordhac ah ayaa laga gaarey colaad bilihii u dambeeyey ka aloosneyd degamda Guriceel ee gobolka Galguduud, halkaasoo ay ku dagaalameen ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Federaalka iyo mileeshiyaad taabacsan Ahlu Sunna.

Wararka laga helayo Guriceel ayaa tibaaxaya in labada dhinac heshiis dhowr qodob ka kooban wada gaareen inkastoo weli arrimaha qaar muran ka taagan tahay. Qodobada heshiiska waxaa la filayaa in maalmaha soo socda isla degmada Guriceel lagu saxiixo.

Wararku waxay intaas ku darayaan in saraakiisha Ahlu Sunna ogolaadeen in la qarameeyo mileeshiyaadkooda taas beddelkeedana ay qayb ka noqdaan shirka ka socoda degmada Dhuusomareeb ee loogu gogol xaarayo dhismaha maamulka gobollada Dhexe.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Gaashaan-dhigga Dowladda Federaalka Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini ayaa maalmihii u dambeeyey ku sugnaa Guriceel. Wafdigaas ayaa kulammo gaar gaar ah la yeeshay labada dhinac kalana hadlay inay tanaasul sameeyaan si khilaafka jira xal looga gaaro.

Wafdi kale oo Ra'isal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Cumar Cabdirashiid Sharma'arke hoggaaminayo ayaa la filayaa inay todobaadka soo socda tagaan xarunta gobolka Galguduud ee Dhuusomareeb halkaasoo bishii hore Madaxweyne Xasan Sheekh isna mar booqasho ku tegey.

Tobannaan qof ayaa ku dhintey kumannaan kalena way ku barakaceen dagaallo soo noq noqdey oo laga soo bilaabo bishii December ee sanadkii hore ka dhacayey Guriceel iyo deegaanada ku xeeran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM