Shirkii Dhuusomareeb oo lagu kala kacay

Image

March 26, 2015 (GO)-  Waxaa fashilmey wada xaajood muddo labo maalmood ah degmada Dhuusomareeb uga soconayey Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo odayaasha dhaqanka ee gobollada dhexe.

Kulankan ayaa ahaa mid looga arinsanayey khilaaf ka dhashay halka lagu qabanayo shirka maamul u sameynta gobollada dhexe kadib markii Talaadadii lasoo dhaafay odayaashu  soo saareen war-murtiyeed dhowr qodob ka kooban, kaasoo lagu sheegay in wejiga labaad ee shirka dhismaha maamulka gobollada dhexe lagu qaban doono magaalada Dhuusomareeb.

Go'aankan waxay odayaashu u sababeeyeen dhowr arrimood oo kala ah: ammaanka Dhuusomareeb oo wanaagsan iyo in  laga heli karo dhammaan tasiilaadka shirku u baahan yahay sida: hoteelada, hoolalka shirarka iyo adeegyada isgaarsiinta.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo  booqasho muddo saddex maalmood ah qaadatey Dhuusomareeb ku tageen ayaa qaadacey war-murtiyeedka odayaasha.

Xasan Sheekh ayaa ku doodey in go'aanka madaxda dhaqanku yahay mid kahor imaanaya ballan qaad uu isagu shaqsiyan horay u sameeyey bishii February ee lasoo dhaafay kaasoo ahaa in wejiga labaad ee shirka maamul u sameynta gobollada dhexe lagu qaban doono degmada Cadaado.

Kulammo gaar gaar ah iyo dood dheer kadib waxay labada dhinac ku guul dareysteen inay is fahan gaaraan, Madaxweynaha iyo wafdigiisuna gelinkii dambe ee shalay ayey magaalada Muqdisho dib ugu soo laabteen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo tababar u furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland

Tababarka loo furay guutada saddexaad ayaa ka dhacay xarunta tababarka ciidamada ee Xorgoble ee magaalada Qardho.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 06:22PM

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM