Heshiiska ATMIS oo lagu taliyey in dib-u-eegis lagu sameeyo

Image
Qorshahan kala gurka amniga Soomaaliya ayaa la sheegay in ay ku jiraan "qodobo aan la fulin karin".

MUQDISHO, Soomaaliya Samiira Gaid oo Garowe Online Twitter Space la hadashay ayaa u sheegtay in "Arrimaha uusan wali ka hadlin madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud balse muhiimka ah ay tahay qorshaha ATMIS ee ka bixitaan Soomaaliy".

Samiira ayaa sheegtay in la diyaariyay qorshaha kala guurka ah balse ay jiraan qodobo aan la fulin karin “waana in laga galaa wadahadal kale” iyada oo ku boorisay dowaladd cusub in dib u eegis lagu sameeyo heshiiska ay galeen dowladda Faderaalka iyo midowga Afrika.

Mr Gaid oo sheegtay in madaxweynuhu cadeeyay qodobada ugu muhiimsan ee laga sugayo dowladiisa ayaa hoosta ka xiriiqday in muhiim yihiin sida amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha ayna muhiimtahay in waqti la siiyo dowladda.

Iyada oo ka hadlaysay amaanka ayay sheegtay in qodobada caawin doono xukumadda cusub marka ka eego la dagaalanka argagixisada ay yihiin dib u habaynta ciidanka, tababaraha iyo in ay howlgalada ka heshiiyaan madaxda Dowladda Faderaalka iyo Dowlad-goboleedyada dalka.

Samiira ayaa sheegtay in ay qabto in seddex arrin ay muhiim u yihiin la dagaalanka Al Shabaab;

1-In bulshada Soomaaliyeed iyo dowlad-goboleedyada dalka laga qayb galayo qaabka loo wajahayo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab iyada oo goobaha ugu muhiimsan ee xoraynta raba yihiin Jubbooyinka.

2-Dib u habaynta ciidanka iyada oo ciidanka loo kala saarayo ciidanka howlgabka ah iyo kuwa diyaar ah iyada oo soo jeedisay in la qoro ciidan cusub maadaama dhaqaalaha ugu badan lagu bixiyo ciidanka amaanka Soomaaliya.

3-Waa in madaxweynuhu dib u eegis ku sameeyaa heshiisyada lala galay ATMIS/AMISOM maadaama la gaaray xilligii ciidanka midowga Afrika ay Soomaaliya ku wareeji lahaayeen amaankeeda.

Samiira Gaid oo horay xukumadii Xasan Cali Khayre ugala soo shaqaysay dib u habaynta ciidanka ayaa sheegtay in heshiiska ay galeen dowladii hore iyo midowga Afrika uu xeerinayo ciidanka AMISOM mudo seddex bil ah ay saldhigyada ay ku suganyihiin ay ugu wareejiyaan ciidanka amaanka balse aan wali waxba laga qaban qodobkaas.

ATMIS – oo ka kooban ciidamo ka kala socda Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda – ayaa loo xilsaaray inay gacan ka geystaan sidii ciidamada Soomaaliya ay u qaadi lahaayeen mas’uuliyadda koowaad ee amniga dalka ay colaaduhu hareeyeen tan iyo 1991-kii.

Sida ku cad qaraarka Qaramada Midoobay ee lagu ansixiyay abuuritaankiisa, ATMIS ayaa la saadaalinayaa in ay si tartiib tartiib ah u dhimi doonto heerarka shaqaalaha ee ku dhow 20,000 oo askar, boolis iyo rayid ah ilaa dhamaadka 2024.

Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa magaalada Muqdisho ka talinayay ilaa 2011-kii markaasoo ay ka saareen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo milatariga Soomaaliya oo markaas la abuuray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo baahiyay Muuqaalka Weerarada Cirka ee Mareykanka Ka Fuliyay Puntland

Madaxweyne Trump ayaa sheegay sabtidii in duqeynta lagu beegsanayay "Qorsheeyaha Weerarrada Daacish iyo xubno kale oo uu hogaaminayay."

  • Soomaliya

    04-02-2025

  • 08:23AM

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo laga joojiyay qorshe muran badan dhaliyay

Sidoo kale, Waxaa la faray hay’adaha ku shaqada leh arintan lagu dhacayo dadka inay si degdeg ah u joojiyaan, illaa amar dambe.

  • Soomaliya

    03-02-2025

  • 04:23PM