HirShabelle: Aabe, hooyo iyo lix caruur ah oo ku dhintey qarax

Image
Falkan ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Jicibow iyo magaalada Buulaburde ee gobolka Hiiraan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan sideed qof oo ay ku jiraan lix caruur ah ayaa ku geeriyoodey Axadii kadib markii Mooto Bajaaj ay la socdeen ay haleeshay miino dhulka lagu aasay, sida ay sheegeen saraakiisha deegaanka.

Shilkan ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanka Jicibow iyo magaalada Buulaburde ee gobolka Hiiraan kaas oo hoostaga dowlad goboleedka xaruntiisu tahay Jowhar ee HirShabeelle.

Ibraahim Cabdi Cali oo ka mid ah saraakiisha ammaanka ee magaalada Jowhar ayaa tibaaxay in dadka la laayay ay ahaayeen labo qoys oo ku wada safrayay hal baabuur oo ku socday beerahooda.

“Aabbe, hooyo iyo lix carruur ah oo ka soo kala jeeda laba qoys ayaa maanta si naxdin leh ugu dhintay miino dhulka lagu aasay oo ay argagixisada (kooxda) Al-Shabaab ku aaseen meel u dhow waddada. Waa murugo iyo naxdin in xataa laga hadlo arrintan,” ayuu yidhi.

Cali oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay "in dadka dambiyadaas ka galay dad rayid ah oo aan hubeysneyn in aan la ciqaabi doonin.

Buulaburde ayaa waxay 220 kiiloomitir (136 mayl) u jirtaa caasimadda dalka ee Muqdisho halkaas oo xasilooni ammaan laga dareemayay dhowrkii bilood lasoo dhaafay.

Inkastoo mas'uuliyiinta deegaanka ay ku eedeeyeen Al-Shabaab inay ka dambeeyaan qaraxa lagu aasay waddada dhinaceeda, haddana ma jirto cid ilaa hadda sheegatay mas'uuliyadda.

Dhacdadan ayaa ku soo beegmaysa "iyadoo Ciidanka Soomaaliya oo ay taageerayaan saaxiibada caalamiga ah ee amniga dalka ay sameeyeen howlgalo dhulka iyo cirka ah oo ka dhan ah Al-Shabaab ayna dileen in ka badan 40 argagixiso ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM