HirShabelle: Dad badan oo ku dhintey qaraxyo ka dhacay Maxaas

Image
Image
Image
Naftood haligeyaasha ayaa beegsadey aag ay ku dhow yihiin guriyo shacab balse uu ku yaallo guri ay degaan saraakiisha martida ah.

BELEDWAYNE, HirShabelle - Ugu yaraan 20 qof ayaa ku geeriyootey in ka badan 10-kalana waa ku dhaawacmeen kadib markii laba qarax ismiidaamin ay ka dhaceen degmadda Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Naftooda-haligeyaasha ayaa beegsadey aag ay ku dhow yihiin guriyo shacab balse uu ku yaallo guri ay degaan saraakiisha martida ah.

"In ka badan 20 qof ayaa ku dhintay laba qarax oo baabuur oo maanta ka dhacay magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan," ayuu yiri sarkaal amni

Wuxuu raaciyey hadalkiisa: "Weerarkan ayaa waxaa mas’uuliyaddiisa sheegatay Khawaariijta Al-Shabaab".

"Dadka ugu badan ee waxyeelada soo gaartey waa shacab," ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

Degmada Maxaas oo 308 KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho ayaa ka mid ah xarumaha ay ka howlgalaan shacabka wada dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM