HirShabelle iyo IOM Soomaaliya oo ka shiray xoojinta wadashaqeynta

Image
Kulankan ayaa waxa uu ka dhacay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

MUQDISHO, Soomaaliya - Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa kulan la qaatay Madaxa IOM ee Soomaaliya Frantz Celestin.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray xoojinta wada shaqeynta, dardargelinta mashaariicda socota, waxana si gaar ah loo dul-istaagay mashaariicda la xiriirta xasilinta.

Madaxa IOM Soomaaliya Frantz Celestin ayaa dhankiisa xusay inay ka go’an tahay shaqo wadajir ah in la qabto taas oo guul u ah shacabka Hirshabeelle.

“Hirshabeelle waxa ay idin kaga mahadcelineysaa howlaha hufnaanta leh ee aad kala shaqeyneysaan oo ay ugu horeeyaan mashaariicda xasilinta oo ka socda degmooyin iyo deegaano badan oo Hirshabeelle ah iyo kuwa kale uu qorshahooda uu socdo.”

Ugu dambeyn Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle ayaa uga mahadceliyay IOM doorkooda shaqo ay la leeyihiin Dowladda Hirshabeelle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Qatar oo Xoojiyay Xiriirka Difaaca Kadib Khilaafka Imaaraadka

SONNA ayaa sheegtay in heshiiskan uu diiradda saarayo xoojinta iskaashiga difaac, horumarinta hannaanada isku-dubaridka amniga.

  • Soomaliya

    20-01-2026

  • 05:07AM

Xildhibaano Soomaaliyeed oo laga qaadey xayiraad ka saarnayd EALA

Sidoo kale, dhaliilaha ayaa tilmaamay in Baarlamaanka Federaalka uu ka booday xeerarka magacaabista.

  • Soomaliya

    19-01-2026

  • 02:41PM