HirShabelle oo heshay qalabka baarista xili ay madax karantiilan yihiin

Image

JOWHAR, HirShabelle – Diyaarad qaas ah oo sidda qalabka lagu baaro Coronavirus ayaa waxay ka degtay caasimadda HirShabelle ee Jowhar xili hogaanka maamulkaas ay si shaqsi ah isku karantiileen.

Isu dowlaha wasaaradda caafimaadka gobolka Shabeellaha Dhexe, Dr Ibraahim Xaaji Cabduqaadir, ayaa sheegay in sheybaarka ay ku baari doonan dheecaano ay ka qaadeen xubno la tuhmay.

"Anigoo fursadaan ka faa'iideysanaya waxaan ku boorinayaa mas'uuliyiinta iyo dadka la kulmay wasiiru dowladihii cadaalada Khaliif Muumin ee dhintay in ay noo yimaadaan," ayuu soo jeediyay.

Khaliif Muumin ayaa ku dhintay gudaha Isbitaal Martiini ee Muqdisho, halkaas oo loo asteeyay goobta karantiilka. In ka badan 20 qof ayaa haatan xaaladooda caafimaad lagula tacaalayaa.

Shaacinta Dr Ibraahim ayaa kusoo aadeysa xili xaalad cabsi ay ka jirto Jowhar maadaama Muumin uu maalmo kahor tegay halkaas kahor inta uusan soo riday cudurkaas safmareenka ah.

Maxamed Cabdi Waare, madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle, iyo mas'uuliyiin kale ayaa kamid yahay xubnaha karantiilan. Warar ayaa sheegaya in ay wehliyaan xubno xanuunsan.

Wasaarada Caafimaadka dowlada federaalka ayaa horey uga dhawaajisay in ay caasimada maamulada ay geyn doonto agab kasta oo muhiim u ah xakameynta caabuqa si midka Muqdisho aan loogu xayirmin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM