HirShabelle: Ugu yaraan lix qof oo ku nafwaayey qarax miino

Image
Sida ay xogta caddeyneyso, qaraxa ayaa ahaa mid lagu sii diyaariyey goobta uu ka dhacay.

JOWHAR, HirShabelle - Ugu yaraan lix qof ayaa lagu waramay in ay ku geeriyootay qarax Isniinta maanta ah ka dhacay degaanka Qalimow oo u dhow degmada Balcad ee Gobalka Shabellaha dhexe.

Falkan oo la aaminsan yahay in uu ahaa miino goobta lagu sii diyaariyay ayaa dadka dhintay "waxaa kamid ah seddex qof oo rayid ah iyo seddex askari," sida ay GO u sheegeen ilo-wareedyo amni.

Sida ay xogta caddeyneyso, qaraxa ayaa si gaar ah wuxuu kaga dhacay goob maqaaxi ah. "Malkiilaha maqaayadda oo ahayd haweenay ayaa ku jirta dadka nafwaayey," ayuu yiri qof goobjooge ahaa.

"Illaa tobban qof oo u badan rayid kuna waxyeeloobay qaraxa ayaa loola cararay goobaha caafimaadka Jowhar si Muqdisho loogu sii qaado," ayuu yiri wariye madax-banaan oo la hadlay Garowe Online.

Degaanka Qalimow oo qiyaastii 30 KM dhanka koonfur caasimada Muqdisho uga beegan ayaa waxaa horay uga dhacay weeraro isugu jira qaraxyo iyo kuwa toos ah oo lagu beegsadey xarumo kala duwan.

Asbuucyo kahor, weerar ay dabley loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ku qaadey saldhiga booliska waxaa lagu dilay laba askar, halka tirro kale ay kasoo gaartey dhaawacyo heerar kala duwan ah.

Jidka isku xira Muqdisho iyo Balcad oo sanadihii lasoo dhaafay ay Al-Shabaab ka geysatay weeraro waxaa shaqsiyaadka ku baxay kamid ah Xildhibaano iyo saraakiil ciidan oo hoostaga HirShabelle.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubaland: Dowladda Soomaaliya waxay colaad ka hurinaysaa gobolka Gedo

Golahu wuxuu bogaadiyay guulaha ay Ciidamada Dowladda Puntalnd ka gaareen dagaalka Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish.

  • Soomaliya

    06-02-2025

  • 06:10PM

Dowladda Soomaaliya oo Bogaadisey Ciidamada Puntland ee Ka Dagaallamaya Cal-Miskaad

Golaha Wasiirrada ayaa ugu dambeyntii sheegay in taageerada dowladda ay si joogto ah ugu socon doonto ciidamada Puntland.

  • Soomaliya

    06-02-2025

  • 11:39AM