Hogaamiyeyaasha Soomaaliya iyo Itoobiya oo telefoonka kuwada hadlay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shaaciyey in Talaadada maanta uu wadaxaajoodyo dhanka telefoonka ah la yeeshay ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Fariin uu soo dhigay Twitter-kiisa ayuu daaha kaga rogay in ay kawada arrinsadeen arrimo ku saabsan la dagaalanka fayruska safmareenka ah ee Corona, kaas oo labada dal si isku mid ah u saameeyay.

"Walaalkey ra'iisul wasaare Abiy Axmed iyo aniga, waxaan maanta yeelanay wadasheekeysi dhanka telefoonka si aan u adkeyneyno wadashaqeynteena iyo midnimadeena si aan uga hortagno Covid-19 una badbaadino nolosha dadkeena. Wadajirka waxaan uga bixi karnaa dhibaatada," ayuu soo qoray Farmaajo.

Farmaajo iyo Abiy oo xiriirkooda uu xoogan yahay ayaa kawada shaqeynaya mashruuca is-dhexgalka gobolka Geeska Afrika kaas oo la sheegay in uu ku saabsan yahay amniga, dhaqaalaha iyo ganacsiga.

Wadahadalka labada hogaamiye ayaa kusoo aadaya xili ay maalmihii lasoo dhaafay ay cabasho xoogan oo ka imaaneysay shacabka ay ka taagneyd degaanada Soomaaliya ee xuduudka la leh Itoobiya.

Cabashadaas ayaa ku saabsan in ganacsatada Qaadka Itoobiyaanka ah ay halkaas kasoo gudbiyaan maandooriyaha oo horey u mamnuucdey xukuumadda Muqdisho fayruska Corona dartiisa.

Itoobiya ayaa horey u xirtay sohdinta ay la wadaagto dalalka deriska la ah. Balse, talaabooyinka soo gudbinta waxaa lagu waramay in ay yihiin kuwa dhuumaaleysi, wallow aysan jirin cid cadeyn karta.

Kiisaska Coronavirus ee Soomaaliya lana xaqiijiyey ayaa gaaraya 60, oo shan kamid ah laga soo sheegay Somaliland iyo laba Jubaland ah, halka Itoobiya ay warisay 82; labada wadan dhimashada waa mid laba.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM