​Hoobiyaal lagu weeraray garoonka diyaaradaha Muqdishu

Image

MUQDISHU- Wararka aan ka helayno madaarka diyaaradaha magalada Muqdishu, ayaa sheegay in ururka Al-Shabaab xalay hoobiyaal ku weerareen garoonkaas iyagoo beegsanayaa xerada Xalane oo ay daganyihiin ciidamada ka socda Midowga Afrika ee nabad ilaalinta u jooga dalka Somalia. 

Falkan oo aysan weli ka hadlin dowladda Somalia, waxaa mas'uuliyadiisa sheegatay xarakada Al-Shabaab kadib warbixinno ay soo dhigeen baraha bulshada, iyagoo xusay inay weerarkaasi la damacsanaayeen AMISOM. 

Ilaa hadda majirto khasaaro rasmi ah oo weerarkaasi ka dhashay, balse goob joogayaal kusugan Xamar, ayaa warbaahinta u sheegay inay tiro hoobiyaal ah ku dhaceen madaarka iyadoo daryanka madaafiicdaasi laga maqlayay degmooyinka gobolka Banaadir qaybo kamid ah. 

Weerarkan, ayaa yimi xilli dhawaan bamb lagu weerar diyaaradda Daalo, waxaana falkaas dowladda Somalia u xir-xirtay 20 ruux oo looga shakiyay inay ka dambeeyeen arrinkaas. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM

Sagaal Soomaali ah oo laga masaafuriyey Mareykanka, loona soo celiyey Soomaaliya

Xaaskiisa ayaa sheegtay in masaafurintiisu ay qoyska ku keentay kala fogaansho, maadaama uu leeyahay laba carruur ah oo ku nool Mareykanka.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 04:51AM