Hoobiyeyaal ku dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho iyo khasaaraha ka dhashay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Waxaa Subaxnimadii maanta oo Talaaada ah hoobiyeyaal lala dhacay qeybo ka mida magaalada Muqdisho.

Weerarka oo loo maleynaayo inay geysteen rag ka tirsan Al-Shabaab ayaa ka dhacay degmooyinka Xamarjajab, Wartanabbda, iyo Waaberi.

Hoobiye ku dhacay guri ku yaalla degmada Waaberi ayaa galaaftay nolosha laba ruux oo hal qoys kasoo jeeda, halka 3 qof oo kale oo qoyska ka mid ah ay dhaawacmeen.

Xubanaha qoyska ee weerarka ku nafwaayey waxa ay kala ahaayeen Aabe Macalin Dugsi Quraan ahaa oo magaciisu yahay Macalin Aweys iyo gabar uu dhalay oo la dhihi jiray Xaliimo Macalin.

Sidoo kale, hooyada qoyska iyo laba caruur ah oo dhalay Macalin Aweys ayaa ku dhaawacmeen weerarka, haatanna ay daqaatiirto la tacaalaiyaan xaaladooda.

Dadka deegaanka ayaa codsaday in la taakuleeyo xubanha qoyska oo loo qaaday mid ka mid isbutaallada caasimadda, iyaga oo waayey wax garab ah oo uga yimaada dhanka dawladda.

Ilaa iyo haatan lama oga halka laga riday hoobiyaasha, balse hay'daha amniga ayaa sheegay in dhowr qof ay u qabteen falkan, waxayna madaafiicda dadka ku dhintay ku tilmaameen kuwa macmal ah, taasoo dadka ka yaabisay.

Weerarkan ayaa ah kii ugu dambeeyay ee ka dhaca magaalada Muqdisho, iyadoo ay dawladda dhawaan ku soo daabushay ciidamo oo loogu golleeyahay suggida amniga caasimadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Wajahaysa Isbeddel Amni xili uu dhamaanayo howlgalka Midowga Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo la yeeshay saraakiisha sare ee dhinaca amniga.

  • Soomaliya

    25-07-2026

  • 12:29PM

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM