Horjoogeyaal laga dilay Al-Shabaab oo la shaaciyey magacyadooda

Image
Duqeyntan ayaa dhacdey 16-kii June sanadkan 2023-ka, sidda ay tabisay warbaahinta dowladda Soomaaliya.

MUQDISHO, Soomaaliya - Faahfaahin cusub ayaa laga helay duqeymo dhanka cirka ah oo dhawaan lagu qaaday maleyshiyaadka Al-Shabaab, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda 16-kii June sanadkan 2023-ka.

Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed, duqeynta ayaa lagu dilay 43 dagaalyahan oo ay ku jiraan labo taliye oo ka tirsan Al-Shabaab oo lagu kala magacaabi jiray Aadan Cabdiraxmaan Aadan iyo ku xigeenkiisa Idiris Cabdiraxiim Nuur.

Wakaaladda SONNA ayaa sidoo kale waxay tabisay in duqeynta lala beegsaday goob ay ku shirsanaayeen horjoogayaasha Al-Shabaab oo ku taalla degaan 14 KM u jira degmada Jamaame ee dhanka waqooyi ee magaalada Kismaayo.

Iyada oo soo xiganaysa sarkaal ka tirsan ciidamada milateriga oo aan magaciisa la shaacin, SONNA ayaa xustey in kulankaasi uu ahaa mid lagu qorsheynayay weerar lagu qaado Saldhiga ciidamada ee Baar Sanguuni.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo howlgalkan ay kasoo saareen dowladdaha Mareykanka iyo Turkiga kuwaas oo inta badan gudaha Soomaaliya ka geysta duqeymaha diyaaradeed ee dhinaca hawada ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeyn Sirdoon Oo Lagu Beegsaday Shir Al-Shabaab lahayd; 33 Lagu Dilay

Ciidamada amniga ayaa sidoo kale sheegay inay burburiyeen gaari nooca pick-up ah oo lagu rakibay qori culus.

  • Soomaliya

    22-04-2026

  • 08:37AM

Kooxda Xuutiyiinta oo ka Digtay Joogitaanka Israa'iil ee Somaliland

In kasta oo Somaliland ay ku dhawaaqday madax-bannaanida Soomaaliya sannadkii 1991-kii, haddana weli ma helin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    19-04-2026

  • 02:07PM