Hub laga soo furtey maleyshiyada Al-Shabaab oo lasso bandhigay

Image
Milatariga Soomaaliya ayaa lagu wareejiyay hubkan oo ka kooban qoryaha noocyadiisa kala duwan.

MUQDISHO, Soomaaliya – Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa hub lagu soo qabtay howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ku wareejiyay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hubka ayaa isugu jiray Qoryaha qoryaha boobayaasha ah sida PKM, AK47 iyo Rasaas oo ay ka furteen Ciidamada ATMIS iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa lagu wareejiyay milatariga Soomaaliya.

Ku-xigeenka Madaxa ATMIS, Marwo Fiona Lortan, ayaa Sabtidii hubkan ku wareejisay Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS, Gen. Maxamed Tahliil Biixi, oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Ms. Lortan ayaa xustay in xil wareejintaasi ay waafaqsan tahay hab-maamuuska hubka fudud ee SALW, kaasoo qeexaya hannaanka kaydinta iyo maareynta hubka.

Sida nidaamka yahay, dhammaan hubka la qabto waxaa laga qaadaa muuqaalo iyo sawiro ka dibna waa la baaraa ka hor inta aan la burburin ama dib loo qaybin.

"Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo ATMIS waa in ay diiwaangeliyaan dhammaan hubka iyo agabka milatari ee lagu qabto weerarrada ama inta ay ku guda jiraan waajibaadkooda," ayay tiri Ms. Lortan.

Waxa ay xustay in qabashada hubka iyo wareejinta ay tahay guulo wax ku ool ah oo laga gaaray dadaallada lagu wiiqayo Al-Shabaab.

Taliye ku xigeenka ciidamada ATMIS-ka ee dhanka howlgallada iyo qorshayaasha, Maj. Gen. William Kitsao Shume, ayaa ciidamada ATMIS iyo kuwa XDS ku bogaadiyay howlgallada ay wadaan.

“Maanta, waxaan ku wareejineynaa hubkii lagu qabtay qeybta 1-aad, waxaana rabaa inaan ka mahadceliyo dadaallada lagu hirgelinayo waajibaadka ATMIS-ka. Dhamaan waa naftihurayaal ciidamadeena” ayuu yiri Sarreeye Gaas Shume.

Taliyaha ATMIS ee Uganda, Brig. Gen. Keith Katungi, ayaa sheegay in hub ka soo kabashada Al-Shabaab looga dan leeyahay in lagu xakameeyo hubka fudud iyo kan waawayba.

"Layligani wuxuu muujinayaa guusha (ujeedadayada) aan u leenahay inaan hoos u dhigno oo aan u diidno Al-Shabaab xorriyadda ficilka iyo xorriyadda dhaqdhaqaaqa," ayuu raaciyay Brig. Gen. Katungi.

Dhankiisa, Gen. Maxamed Tahliin Biixi ayaa bogaadiyay iskaashiga ka dhexeeya ATMIS iyo SNA ee dadaallada lagu soo celinayo nabadda iyo xasilloonida, ka hor inta aan la filayo in mas’uuliyadda amniga lagu wareejiyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.

"Wadashaqeynteenu waxay wiiqaysaa cadowga, waxayna dhiirri-gelinaysaa ciidamadeenna - ATMIS-ka iyo kuwa Nabadsugidda Soomaaliya," ayuu yiri Gen. Maxamed ka dib markii uu helay kaydka hubka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM