Hubanti la'aan soo wajahdey labinta Xildhibaanimo ee Fahad

Image
Guddiga doorashooyinka iyo warbaahinta dowladda ayaa warar is-khilaafsan ka faafiyey natiijada kursigan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Masiirka kursiga Golaha Shacabka ee uu kusoo baxay Fahad Yaasiin Daahir ayaa wajahaya hubanti la'aan kadib markii warar is-khilaafsan ay natiijaddiisa hareeyeen saacadihii lasoo dhaafay.

Warbaahinta dowladda sidda Raadiyo Muqdisho iyo wakaaladda wararka qaranka ee SONNA ayaa tabinaya in gabi ahaanba la baabi'iyey natiijadda kursigaas taasoo ka dhigan guusha Fahad ay waxba kama jiraan tahay.

Dhanka kale, guddiga heer federaal ee doorashooyinka ayaa sheegaya in kaliya natiijadda la hakiyey taasoo ka dhigan in ay go'aan kasoo saari karaan Guddiga Xalinta Khilaafaadka ee heer federaal.

Muuse Geelle, gudoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal oo shir jaraa'id qabtey, ayaa caddeeyay in kursiga loo hakiyey sababo ku aadan in habraaca loo maray xulashadiisa ay "qaldan tahay".

Fahad oo ah gacanta midig ee madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Farmaajo ayaa lagu eedeeyay in uu kursigan ka boobay Faarax Cabduqaadir oo ay shukaaro ganacsi yihiin balse siyaasadda isku hayaan.

Labadan nin oo wadda leh shirkado ganacsi dhanka warbaahinta ah ayaa xulafo la kala ah dalalka Qadar iyo Imaaraadka kuwaasoo qudhooda ku tartama suuqyadda shidaalka caalamka, siyaasada Carabta iyo Bariga Dhexe.

Shantii sano ee lasoo dhaafay, xukuumadda Dooxa oo kaashaneysa Fahad ayaa ku gacan-sareysay siyaasadda Soomaaliya taasoo dibad-joog ka dhigtey Abu Dhabi oo dooneysa in ay saameynteeda soo celiso doorashadan.

Sida ay caddeynayaan illo xog-ogaal ah, Fahad ayaa doonaya in uu u tartamo qabashadda kursiga guddomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka, si uu taas u gaarana uu meesha uga saarey C/wali Muudey.

Illaa iyo haatan, doorashadda 165 kursi ayaa la dhameystiray. Natiijooyinka saddex kursi oo summadoodu kala tahay HOP86, HOP103 iyo HOP154 ayaa la hakiyey. Xulista 110 kursi kale ayaan ka haray baarlamaanka 11aad.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM