Hubkii lagu qabtay Caabudwaaq wuxuu u socday AS, Xamza ha is-casilo - Xildhibaan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maalik Cabdalla, oo kamid ah Xildhibaanada Gollaha Shacabka ayaa sheegay in hubkii ay qabsadeen maalmo kahor Shacabka degmada Caabudwaaq uu kusii jeeday AS, isagoo xusay in lagu layn lahaa Macwiislayda iyo Askarta dowladda ee jiidaha hore ee dagaalka ku sugan.

Wuxuu Xildhibaanka uga mahadceliyay shacabka Caabudwaaq qabashadda Hubkaas, isagoo ku eedeeyay xukuumadda Xamza fashil dhinac walba ah, waxaana uu ugu baaqey inay is-casilaad sameyso, maadaama hanan waysay waajibaadkii loo dhaariyay.

"Xukuumaddan waa dhimatay, waxaan ka codsanaynaa inay is-casisho, kahor inta aysan shacabka ku kicin, oo aysan samaynin banaanbax lamid ah midka ka socday Kenya, iyagoo ka caraysan canshuuraha cusub," ayuu yiri Xildhibaanka.

Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu yiri Xildhibaanka: Meesha dhibaatada ka jirta hadda waa Xukuumadda, waa inay shacabka kahor wareegto, canshuur sharci darro ah ayaa la rabaa in dadka lagu dhaco, ma doonayno in baarlamaanka xoog lagu soo galo, oo la gubo.

Xildhibaan Maalik oo horey qeyb wayn uga ahaa howlgalladii Ciidan ee ka dhacay Hiiraan, oo wax ku lahaa abaabulka Macwiislayda, ayaa hadda dhinaca mucaaradka ku biiray, isagoo eedeymo culus u jeedinaya dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dowladda Xasan Sheekh ayaa hadda soo wajahaya culeysyo badan, oo ay kamid yihiin fashilka dagaalka AS iyo Canshuuraha cusub ee dadku diideen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DFS oo diiday in Itoobiya ka-qaybgalka dhoollatus lagu qabanayo biyaha Soomaaliya

Murankan cusub wuxuu imanayaa iyadoo ay wali taagan tahay xiisaddii diblomaasiyadeed ee ka dhalatay heshiiskii la saxiixay 1-dii Janaayo 2024.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 01:06PM

Dowladda Soomaaliya oo Soo Dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee DRC iyo M23

Soomaaliya waxay mar kale muujisay midnimadeeda iyo garab istaaggeeda shacabka DRC iyo guud ahaan gobolka.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 11:03AM