Ikraan Tahliil Faarax oo la beeniyay in ay "shaqo adoon ahayd"

Image
Xubinimadeeda hay'adda sirdoonka Soomaaliya ayaa la sheegay in aysan marnaba meesha ka bixin.

MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ee kasoo jeeda Beesha Ikraan Tahliil Faarax ayaa jawaab ka bixiyey hadalkii kasoo yeeray agaasimihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin oo kiiskaan iska fogeeyay.

Jeesow oo wareysi siiyey TV-ga maxaliga ah ee Shabeelle ayaa si weyn uga horyimid hadalka kasoo baxay Fahad, wuxuuna tilmaamay in sarkaalad NISA ay ku maqan tahay gacanta hay’adda NISA.

 “Kiiska Ikraan Tahliil wuxuu ku maqan yahay Nabad Sugid waa la ogyahay. Qof isaga is difaacaayo iyo qof isaga wax iska fogeynaayo iyo qof isaga difaac ku jiro in wax laga weydiiyo ma’aha,” ayuu yiri Jeesow.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Ikraan aysan helin baaritaan madax bannaan, ayna u baahan yihiin in ay NISA shaaciso sida ay wax u dhaceen, gaar ahaan kiiska gabadhaas.

Mudanaha oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaciyey in aan lagu qanci karin eedda uu soo jeediyey taliyihii hore ee NISA, wuxuuna tilmaamay in mar hore looga baahnaa tallaabada uu qaaday.

“Nimankan hadda ayey qabsadeen laguma eedeyn karo, haddii lagu eedeynaayo, iyaga oo mucaarad ah oo dhibaato ay geysteen maalintaas ayaa lagu maxkamadeyn lahaa oo magacyadda sidda hadda loo shaaciyey loo sheegi lahaa," ayuu markale yiri Xildhibaan Jeesow.

Isaga oo sii hadlaya ayuu hadalkiisa raaciyay “Wuxuu leeyahay agaasimihii hore waxaa gabadha ay aheyd baaga muudo maya Ikraan baaga muudo ma aheyn 2 bilood ayey waddanka joogtay tababar iyo koorso ay iyaga u direen oo Jaamacad iyaga u direen lacagna ka bixiyeen ayey kasoo qalin-jabisay”.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo iyada oo falcelin xoogan ay ka dhalatay wareysiga Fahad Yaasiin ee ku aadan qaybta kiiska Ikraan Tahliil, waxaana dadka ka hadlay ka mid ah Hooyo Qaali Guhaad oo ganafka ku dhufatay hadalka kasoo yeeray taliyihii hore ee hay’ada NISA.

NISA oo ah hay’ada ugu saraysa amaanka dalka ayaa shantii sano ee la soo dhaafay wajahday sumcad daradii ugu wayneed iyada oo ugaarsigu joogto ka dhex noqday, hay’aduna si muuqata ugu milantay siyaasada dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM