Ilko-Xanaf: "go'aanka Madaxweynuhu sharci maaha mana aqbalayno"

Image

March 15, 2015 (GO)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dowladda Federaalka Caydiid Cabdullaahi Ilko-xanaf ayaa sharci darro ku tilmaamey go'aankii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku kala direy Golaha Adeegga Garsoorka.

Ilko-xanaf oo waraysi gaar ah siiyey idaacadda VOA ayaa sheegay in tallaabada Madaxweynuhu qaadey ay tahay mid lagu deg degey dastuurkana aan waafaqsaneyn, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Madaxweynaha ay talo khaldan siiyeen qaar kamid ah dadka aadka ugu dhow.

"Madaxweynuhu go'aankan wuu ku deg degey talo khaldan ayaana la siiyey...dastuurka meelna kagama taal in gole la kala diro" ayuu yiri isagoo intaas raaciyey in haddiiba golahan la kala dirayo ay ahayd in lasoo magacaabo kii  beddeli lahaa.

Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya oo ku taariikheysneyd March 11, 2015 ayaa lagu kala direy Golaha Adeegga Garsoorka.

Golahan oo muddo dhowr sano ah shaqeynayey waxay kor ka maamulaan hay'adaha garsoorka sida maxkamadaha iyo xeer ilaalinta guud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warbixin: Nidaamka E-Visa-da Soomaaliya oo Weli La Tacaalaya Daldaloolo Amni

Falcelinno ka yimid hay’adaha caalamiga ah ee ilaaliya xogta ayaa ku tilmaamay tallaabada…

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 11:45AM

Nidaamka E-Visa ee Soomaaliya oo Amnigiisa sugnayn, Xogta Dad badan oo Khatar Ku Jirta

Toddobaadkan, Al Jazeera ayaa ku guuleysatay inay ku celiso nuglaanshaha uu tilmaamay isha xogta bixisay.

  • Soomaliya

    19-12-2025

  • 11:26AM