Ilko-Xanaf: "go'aanka Madaxweynuhu sharci maaha mana aqbalayno"

Image

March 15, 2015 (GO)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dowladda Federaalka Caydiid Cabdullaahi Ilko-xanaf ayaa sharci darro ku tilmaamey go'aankii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku kala direy Golaha Adeegga Garsoorka.

Ilko-xanaf oo waraysi gaar ah siiyey idaacadda VOA ayaa sheegay in tallaabada Madaxweynuhu qaadey ay tahay mid lagu deg degey dastuurkana aan waafaqsaneyn, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Madaxweynaha ay talo khaldan siiyeen qaar kamid ah dadka aadka ugu dhow.

"Madaxweynuhu go'aankan wuu ku deg degey talo khaldan ayaana la siiyey...dastuurka meelna kagama taal in gole la kala diro" ayuu yiri isagoo intaas raaciyey in haddiiba golahan la kala dirayo ay ahayd in lasoo magacaabo kii  beddeli lahaa.

Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya oo ku taariikheysneyd March 11, 2015 ayaa lagu kala direy Golaha Adeegga Garsoorka.

Golahan oo muddo dhowr sano ah shaqeynayey waxay kor ka maamulaan hay'adaha garsoorka sida maxkamadaha iyo xeer ilaalinta guud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Garsoore Soomaaliyeed Cumar Cartan oo loo xushay Koobka Adduunka 2026

Cumar Cartan ayaa si kooban uga falceliyay warka, isaga oo boggiisa Facebook ku qoray “Alhamdulillah,”.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 05:06PM

Xasan Sheekh oo isku keenay xulafadiisa Baydhabo xilli loolan adag loogu jiro hoggaanka Koonfur Galbeed

Dadaalladan isku xirka ah ayaa lagu soo beegay xilli la shaaciyay in doorasho qof iyo cod ah ay magaalada ka dhici doonto 28-ka April.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 10:48AM