Imaaraadka Carabta oo Muqdisho soo gaarsiisay gargaar
MUQDISHO, Soomaaliya – Garoonka diyaaradaha magaaladda Muqdisho waxaa talaadada maanta ah ka soo degtay diyaarad siday shixnad gargaar ah oo ka timid Imaaraadka Carabta looguna talagalay dadka ay abaaruhu saameeyeen.
Mas’uuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya oo ka socday Xafiiska Rooble ayaa tegay Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde, iyaga oo halkaasi kula wareegay deeqda ka yimid Imaaraadka Carabta.
Mas’uuliyiinta katirsan dowladda Soomaaliya ayaa dowladda Imaaraadka Carabta uga mahad celiyay deeqdaan gargaar oo dalka ay soo gaarsiisay xilligii loo baahnaa.
7-dii Bishii la soo dhaafay ee Janaayo Imaaraadka Carabta ay Muqdisho keentay deeq gargaar ah, iyada oo xilligaas Ra’iisul Wasaare Rooble uu sheegay in imaaraadka loo celinayo lacagtii Garoonka Aadan-Cadde loogala wareegay sanadkii 2018-kii.
Intaasi ka dib Rooble ayaa u safray Abuu Dubai waxa uuna halkaai kula kulamay hay’adda Bisha Cas ee dalkaasi oo uu kala hadlay wax qabashada abaaraha ku dhuftay Soomaaliya.
Maxamed Xuseen Rooble oo shalay kulan la yeeshay qaar ka mid ah Culimaa’udiinka, Ururrada Bulshada iyo Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa sheegay in ay lagama maarmaan tahay in shacabka iyo dowladuba isu kaashadaan sidii loo gargaari lahaa dadkeenna abaartu saameysay guud ahaa gobollada dalka.
Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadantinimada ayaa sheegtay in dad lagu qiyaasay 4.3 milyan oo qof ay saameeyeen abaarta ba’an ee ka jirta qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya, halka ay bil ka hor ahayd 3.2 milyan oo qof.
Xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay (UNOCHA) ayaa sheegay in abaarta sii kordhaysa ay keentay in ilaa 271,000 oo qof ay ka tageen guryahoodii iyagoo raadinaya biyo, cunto iyo baad.
GAROWE ONLINE