Imaaraadka oo amray xoojinta taakulaynta Soomaaliya

Image

ABU DHABI, UAE – Sheikh Hamdan bin Zayed Al Nahyan oo ah guddoomiyaha hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka ayaa amray in la xoojiyo howlgallada lagu caawinayo dadka ay abaaraha saameeyeen ee Soomaaliya.

Amarkan ayaa yimid kadib markii Sheikh Hamdan uu taleefonka kula hadlay ergada hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka ee ku sugan Soomaaliya si ay barnaamijyo bani’aadaminimo uga fuliyaan gobollada ay sida darran u saameysay abaarta.

Sheikh Hamdan bin Zayed Al Nahyan ayaa waxaa warbixin ku saabsan xaaladda bani’aadaminimo ee Soomaaliya siiyey madaxa ergada Bisha Cas ee Imaaraadka ee ku sugan Soomaaliya Mohamed Khamis Al Kaabi, kaasi oo sidoo kale faah-faahin ka siiyey sida ay howsha gargaarka u socoto illaa hadda.

“Imaaraadka Carabta wax dadaal ah kalama hari doono caawinta dadka u baahan ee Soomaaliyeed iyo sidii loo horumarin lahaa adeegyadooda iyo noloshooda,” ayuu yiri.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa Soomaaliya u soo dirtay gaargaar bini aadanimo xilli dalku wajahayo abaarihii ugu darnaa oo mudo 10 sano ah dalka soo mara.

7-dii bishii aanu soo dhaafnay Junuary ayay ahayd markii uu rai'sul wasaaraha Soomaaliya uu raaligalin siiyay dowladda Imaaraadka Carabta, isaga oo intaas ku daray in lacagta loo celin doono dowladdii lahayd.

Raaligalintii uu bixiyay rai'sul wasaare Rooble ka dib ayaa waxaa arrintan ka soo horjeedasaday madaxtooyada Soomaaliya.

Bayaan kooban oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka ayaa lagu sheegay in ay muujinayso xiriirka taariikhiga ah ee labada dal ka dhaxeeya.

"Imaaaraadka waxay soo dhaweynayaan raaligalintii uu bixiyay rai'sul wasaaraha Soomaaliya ee ku saabsanayd dhacdadii bishii April 2018," ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka.

Dowladda Soomaaliya ayaa bishii Abriil 2018-kii la wareegtay lacag dhan $9.5 milyan oo doolar oo ay lahayd dowladda Imaaraatka, taas oo dhalisay khilaaf dublamaasiyadeed oo xoog leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Jubaland: Dowladda Soomaaliya waxay colaad ka hurinaysaa gobolka Gedo

Golahu wuxuu bogaadiyay guulaha ay Ciidamada Dowladda Puntalnd ka gaareen dagaalka Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish.

  • Soomaliya

    06-02-2025

  • 06:10PM

Dowladda Soomaaliya oo Bogaadisey Ciidamada Puntland ee Ka Dagaallamaya Cal-Miskaad

Golaha Wasiirrada ayaa ugu dambeyntii sheegay in taageerada dowladda ay si joogto ah ugu socon doonto ciidamada Puntland.

  • Soomaliya

    06-02-2025

  • 11:39AM