Imaaraadka oo Markab Gargaar sida gaarsiiyay Kismaayo [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Markab laga leeyahay dalka Imaraaadka Carabta oo ay saarnaayeen Raashiin gargaar ah ayaa wuxuu kusoo xirtay dekadda Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG maamul Jubbaland.

Markabkaan waxaa saarnaa 824-tan oo Raashiin gar-gaar ah, kuwaasoo isugu jira noocyadda kala duwan ee cunadda muhiimka ah Bani'aadamka, waxaana soo dhaweeyay madax maamulka ka tirsan.

Waxaa markabkaan gargaar oo ay wakiil ka ahayd Hay'adda Khalifa Bin Zayed Al Nahyan, ayaa waxaa soo diray madaxda ugu sareysa Imaaraadka Carabta, waxaaan ujeedku yahay in loogu gargaaryo dadka ubaahan.

Masuuliyiinta Jubbaland ee Hay'adda kala wareegay Deeqdan Imaaraadka uga timid ayaa ka mahad-celiyay, iyagoona sheegay in Imaaraadka yahay mid si dhow uga war-qaba xaalada umada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, madax ka socotay dowladda Federaalka ayaa la sheegay inay goobjoog ahaayeen madasha Shixnadaan Raashiinka ah loogu wareejinayay Jubbaland, kuwaasoo iyaga bogaadiyay.

Waxay intaas ku dareen inay rajeynayaa inay kawada faa'ideysteen Shixnadaan dadka si wayn ugu baahan oo ah Barakacyaasha ku nool xoreeyinka ku yaala Magaalada Kismaayo iyo hereeraheeda.

Dhawaan ayey ahayd markii Fatahaadaha uu sameeyay Wabiga Jubba ay waxyeelo kasoo gaartay Qoysas badan, waxaana la filayaa in dadkaas ay deeqdaan gaari doonto, iyagoo looga fadhiyay madaxda Jubbaland inay si cadaalad ah u qeybiyaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM

Puntland oo Golaha Ammaanka hor dhigtay lix dalab oo culus oo ku saabsan Soomaaliya

Warqadda oo ku taariikhaysan 13-ka Sebteembar 2026, loona diray Xoghayaha…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 01:48AM