Imaaraadka oo Soomaaliya u balanqaadey "taageero buuxda"
ABU DHABI, UAE - Madaxweynaha dalka Imaraadka Carabta Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan ayaa kulan uu la qaatey Madaxweyne Xasan Shiikh ku xaqiijiyay taageerada joogtada ah ee dalkiisu siinayo dadka Soomaaliyeed si ay u gaaraan hammigooda horumarineed, xasillooni iyo dhisidda mustaqbal wanaagsan oo dadkooda ah.
Hadalkaan ayuu Madaxweynahu ka sheegay mar uu maanta Qasriga Qasr Al Shaati ku qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha Imaaraatka Carabta ayaa soo dhoweeyay booqashada hoggaamiyaha Soomaaliya, wuxuuna ugu hambalyeeyay xilka madaxtinimo ee Soomaaliya, isagoo u rajeeyay inuu ku guuleysto hoggaaminta dalkiisa iyo ka mira dhalinta himilooyinka shacabkiisa ee ku aaddan xasilloonida, horumarka iyo nabadda.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay mowqifka taariikhiga ah ee Imaaraadka uu ku garab taagan yahay dalkiisa, isagoo uga mahad celiyay dareenka diiran ee uu u muujiyay shacabka Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa looga hadlay dardar gelinta iskaashiga ka dhaxeeya labada dowladood ee dhinacyada kala duwan, gaar ahaan dhinacyada horumarka, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen dadaallada loogu jiro nabad ka dhalata Soomaaliya.
Sheekh Maxamed ayaa sheegay in Imaaraadka ay ka go’an tahay inay shacabka Soomaaliyeed ka taageeraan dadaallada dowlad dhisidda ee mustaqbalka, si loo gaaro nabad iyo xasillooni, isagoo carabka ku adkeeyay sida Imaaraadka ay u doonayaan inay xoojiyaan dadaallada ay dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha dowladda ka wadaan dhinacyada dhismaha, horumarka iyo xasilloonida.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhankiisa sheegay in uu rajaynayo in uu ka shaqeeyo horumarinta iskaashiga Imaaraadka iyo Soomaaliya ee dhinac walba ah iyo sidii uu uga qeyb qaadan lahaa horumarinta xasiloonida iyo amniga gobolka.
Kulanka waxaa goob joog ka ahaa H.H. Sheikh Mansour bin Zayed Al Nahyan, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Madaxtooyada; H.H. Sheikh Hamdan bin Mohamed bin Zayed Al Nahyan; Sheikh Shakhboot bin Nahyan bin Mubarak Al Nahyan, wasiiru dowlaha; iyo Dr. Anwar Gargash oo ah La-taliyaha dhanka diblomaasiyadda ee Madaxweynaha Imaaraadka; oo ay weheliyaan Ali bin Hammad Al Shamsi, ku xigeenka Xoghayaha Guud ee Golaha Sare ee Amniga Qaranka iyo Maxamed Axmed Al Othman, Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya iyo sidoo kale wafdiga la socda Madaxweynaha Soomaaliya.
Xiriirka labada dal oo u xumaa sanadihii la soo dhaafey ayaa booqashada Madaxweynaha Soomaaliya waxay aheyd midii ugu horeysay uu ku tago dal dibadda ah tan iyo markii la doortey.
GAROWE ONLINE