Ingiriiska oo kordhinaya deeqda dalalka ay ku jirto Soomaaliya

Image
Taakuladan maaliyadeed ayaa waxaa loogu talagalay la qabsiga saameynta isbadalka cimiladda.

LONDON, United Kingdom - Dowladda Ingiriiska ayaa ku dhawaaqdey in ay kordhineyso taakulada ay dowlado ay ku jirto Soomaaliya u siiso wax ka qabashadda dhibaatooyinka ka dhasha isbadalka cimiladda.

Dhawaqan ayaa kusoo aadaya xilli dalka Masar uu ka bilowday shir madaxeedka 27aad ee Qaramada Midoobay ee Isbadalka Cimiladda kaasoo ay ka qeybgalayaan inta badan madaxda caalamka.

Ra'iisul Wasaaraha Ingiriiska, Rishi Sunak, ayaa kamid ah madaxda caalamka ee ka qeybgashay madashan oo kulmisay in ka badan 100 mas'uul oo ka kala socdo in ka badan 100 dowladood.

Sidoo kale, madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa jooga magaaladda Sharma Sheekh halkaasoo lagu waddo in uu wadaxaajoodyo kula yeeshay qaar kamid ah madaxda dunida.

Sida laga soo xigtey qoraal kasoo baxay dowladda Ingiriiska, boqortooyadda Britain ayaa $1.7 bilyan gaarsiin doonta miisaaniyadda ay ugu talagashay wadamada isbadalka cimiladda sanadka 2025-ka.

"Iyadoo la aqoonsanayo khatarta jirta ee isbeddelka cimiladu ay mar horeba dunida oo dhan ka taagan tahay – laga soo bilaabo daadadka Pakistan iyo abaarta Soomaaliya – Dawladda UK waxay ballan-qaadaysaa inay saddex jibaarto maalgelinta la qabsiga cimilada oo qayb ka ah miisaaniyaddaas, laga bilaabo £500m ($575m) sanadka 2019 ilaa £1.5bn  ($1.7) sannadka 2025," ayaa lagu yiri qoraalka.

Soomaaliya ayaa kamid ah wadamadda saameynta ugu xooggan ay kasoo gaartey isbadalka cimiladda. Muddo afar sano oo xiriir ah, waxaa la waayay roobka taasoo dhabaha u xaartey abaar ku dhow macluul.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo furay Kal-fadhigga 58-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Puntland

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid.

  • Soomaliya

    15-06-2026

  • 11:46AM

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku Qaaday Dowladda Federaalka, Kuna Eedeeyay inay Dalka Dib u Burburinayso

Munaasabadda xiritaanka tababarka oo ka dhacday Jubbaland ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka.

  • Soomaliya

    14-06-2026

  • 09:48AM