UK oo shaacisay mowqifkeeda kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab

Image
Dowladda Soomaaliya ayaa dalka oo dhan ka bilowday wax ay ku sheegtey "halganka shacabka ee lagu soo afjarayo argagixisada".

LONDON, United Kingdom - Wasiirka arrimaha dibadda Ingiriiska, James Cleverly, ayaa bartiisa Twitter-ka ku shaaciyey in uu khadka telefoonka kula hadlay madaxwayne Hassan Sheikh Mohamud.

Cleverly ayaa shaaca ka dhigay in ay Xasan isla soo qaadeenn iskaashiga Ingiriiska ee Soomaaliya. Villa Soomaaliya ayaan wali ka hadlin wadahadalkan.

"Waxaan sii wadeynaa taageerada dowladda Soomaaliya ee dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab. UK sanadkan waxay bixineysaa in ka badan £50m gargaar si aan ugu taageerno dadka Soomaaliyeed ee aadka ugu baahan cunto, biyo iyo daryeel caafimaad," ayuu hadalkiisa intaas sii raaciyey.

Wadahadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ergayga arrimaha abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame uu eedeeyay dowladda Ingiriiska kuna tilmaamay mid gabtey kaalinteeda caawinta Soomaaliya.

Ergeyga madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo wareysi gaar ah siiyay wargeyska Guardian ee kasoo baxa Ingiriiska ayaa dhaleecayn culus dusha kaga tuuray hoggaanka dowladda Britain, oo uu sheegay in ay lumiyeen kaalintii ay ku lahaayeen adduunka, islamarkaasna dayaceen xulufadoodii adduunka oo ay Soomaaliya ugu horeyso.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in inkasta oo weli Britain ay Soomaaliya ka kaalmayso arrimaha amniga, haddane aysan qaadanin doorkii looga bartay ee ku aaddanaa abaaraha.

Waxa uu sheegay in xaaladda abaaraha ay tahay mid aad uga sii daraysa Soomaaliya, islamarkaasna ay jirto halis weyn oo ah in ay dad badan u dhintaan.

Soomaalida ayuu sheegay in ay yihiin dad adkaysi badan oo ka gudba caqabadaha qaar, balse loo baahanyahay in dowladaha adduunka ay garab ka siiyaan Soomaaliya sidii ay u heli lahayd maaliyadda loogu talogalay isbadelka cimilada si dalka loo geeyo qalabka beeraha iyo kalluumaysiga.

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM