Injineerka iyo buundada Qadar ay u marto fowdada Soomaaliya
MUQDISHO, Soomaaliya – Wax u muuqda qirasho layaab leh, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Qatar ayaa xaqiijiyey in ay jiraan saxafiyiin badan oo ay mushahar siiyaan. Saxafiyiintan ayuu xusay in qaarkood ay noqdeen Xildhibaano, halka qaar kalena ay xilal sare ka hayaan dowladdo.
In kasta oo aanu magacyo sheegin, haddana waxa hubaal ah in Hamad bin Jassim oo loo garan-og-yahay HBJ uu maskaxda ku hayo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
Fahad oo horey uga tirsanaa Telefishinka Al-Jazeera, isla markaana lagu tiriyo inuu yahay wakiilka Qatar u jooga Soomaaliya, ayaa haatan saameyn aan la qiyaasi karin ku dhex leh gudaha Soomaaliya.
Isaga oo adeegsanaya dhaqaalaha Qatar ayuu ku guuleystay inuu go’aamiyo cidda ku guuleysaneysa hogaanka Soomaaliya labadii doorasho ee ugu dambeysay.
Fahad, sanado badan, waxa uu ahaa buundada la isku halayn karo ee Qatar u marto dhaqdhaqaaqyada Islaamiyiinta Soomaaliya.
Tan iyo 2017, iyo markii uu sii kululaaday loolanka Khaliijka, Fahad wuxuu ku guuleystay inuu Soomaaliya u rogo waddan macmiil ka ah Qatar. Taa beddelkeeda, Dooxa waxay maalgelisay NISA oo ay ka dhigtay aalad ay adeegsato.
Dad badan oo u dhuun daloola dowladda federaala Soomaaliya ayaa ku eedaynaya in NISA-da Fahad ka amar qaadata ay noqotay mid gacan saar la leh Sirdoonka Qatar.
Tusaale ahaan, 2019, ka dib markii uu New York Times ay kashiftey sheekadii ku saabsanayd sida Qatar ay u kafaala qaaday maalgelinta ISIS si ay u fuliyaan weerarrada argagixisannimo ee Soomaaliya, Fahad oo xilligaas ahaa madaxa sirdoonka Soomaaliya ayaa ku qasbay Muqdisho in Qatar ay 24-saac gudahood ay ku bari-yeesho.
Injineernimada fowdada ee Fahad ee aan la xakameynin ayaa keentay sanadkii hore in Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ay u soo xulato cunaqabateyn.
Hase ahaatee, hay’adda CIA-da oo ay u badan tahay inay ku shaqayneyso saameynta Qatar, ayaa ka badbaadisey isla markaana sameysay olole ballaaran oo guuleystay. Balse, natiijadda dadaaladaas waxay noqdeen in Soomaaliya ay lugaha lasii gasho cimilo jahwareer iyo fowdo ah.
GAROWE ONLINE