Interpol oo DFS ku wareejisay Agaasimihii Hore ee Isbitaalka Qardho oo Lagu Eedeeyay Kufsi

Image

Muqdisho, Soomaaliya – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa hay’adda Interpol ayaa soo qabatay Jaamac Cabdi Maxamuud, agaasimihii hore ee Isbitaalka Qardho, iyada oo lagu soo oogay eedeymo culus oo kufsi ah.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa shaaciyay in baaritaanno la sameeyay ay muujinayaan in Jaamac ku lug lahaa falal kufsi ah, isla markaana uu duubay una faafiyay muuqaallo anshax-xumo ah oo la xiriira kufsiga ka dhacay magaalada Qardho.

Xafiisku waxa uu sheegay in eedeysanaha la horgeyn doono maxkamad awood u leh sidii uu caddaaladda u mari lahaa, iyadoo la filayo in si deg-deg ah loo bilaabo dacwadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay dowladda Rwanda iyo hay’adda Interpol doorkii ay ka qaateen qabashada iyo soo gacan-gelinta eedeysanaha, taas oo ka dhacday dalka Rwanda.

Si kastaba ha ahaatee, weli lama caddeyn in dowladda federaalka ay kiiskan u gudbin doonto hay’adaha garsoorka Puntland, maadaama fal dambiyeedka lagu eedeynayo Jama uu ka dhacay deegaan ka tirsan maamul-goboleedkaas.

Wararka kale ee la xiriira kiiskan ayaa sheegaya in eedeysane kale oo lala xiriirinayo falka uu haatan ku xiran yahay magaalada Garowe, halkaas oo uu sugayo tallaabooyinka xiga ee sharciga.

May be an image of text

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM