Iran oo qabatay markab wadday "shidaal kontarabaan ah"

Image
Qiimaha batroolka saaran markabkan ayaa waxaa lagu sheegay in ka badan 6.6 milyan oo doolarka Mareykanka.

TEHRAN, Iran - Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa gacanta ku dhigay shaqaalihii iyo shixnad waday markab shisheeye oo siday 11 milyan oo litir (2.9m gallon) oo shidaal kontarabaan ah, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan garsoorka gudaha.

Madaxa garsoorka ee gobolka koonfurta ee Hormozgan, Mojtaba Ghahremani, ayaa ku dhawaaqay Isniintii in ciidamada badda ee IRGC ay la wareegeen markabkan oo aan la magacaabin oo marayay biyaha gacanka.

Lama shaacin dalka laga leeyahay markabka iyo shaqaalaha saaran toona, balse Ghahremani ayaa sheegay in qiimaha shixnadiisa ay gaareyso 2.2 tiriliyan riyal (qiyaastii $6.6m).

Ghahremani waxa uu sheegay in mukhalasiinta la qabtay lagu ciqaabi doono ganaax lacageed oo dhan ilaa 10 jeer qiimaha shixnadaha lala wareegay marka lagu daro xukun xabsi ah,halka markabka la qaban doono iyada oo loo hiilinayo dawladda Iran.

"Kabtanka iyo shaqaalihii markabkan ajnabiga ah ayaa sidoo kale la xiray iyadoo baaritaannada iyo hababka sharciga la dhammeynayo," ayuu ku yiri farriin muuqaal ah.

Hay’adda IRGC ayaa sanadihii ugu dambeeyay kordhisay dadaalkeeda ka dhanka ah tahriibinta shidaalka, waxayna marba marka ka dambeysa ku dhawaaqdaa qabashada shixnada ay wataan maraakiibta shisheeye, iyadoo inta badan ay ka gaabsato inay shaaciso dalalka ay ka kala tirsan yihiin maraakiibta iyo shaqaalaha saaran.

Laakiin tirada shidaalka la qabtay ee lagu dhawaaqay Isniintii ayaa u muuqatay mid ka badan sidii caadiga ahayd. Marka la barbardhigo, markab kale oo la sheegay in la qabtay bishii hore ayaa la sheegay inuu siday 757,000 litir (200,000 gallon) oo shidaal ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM