Is-faham laga gaarey shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed

Image
Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo musharaxiinta mucaaradka ayaa "isla-qaatay" ka qeybgalka wadahadalkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo xalay mar kale hoygiisa kulan kula qaatay siyaasiyiinta ku midoobay Midowga Musharraxiinta iyo Madasha Badbaadada Koonfur Galbeed, ayaa waxay kawada hadleen arrimaha dib u heshiisiinta Koonfur Galbeed.

Siyaasiyiinta iyo Guddoomiyaha ayaa isla qaatay in laga wada qeyb galo gogosha 5-ta Janaayo taala magaalada Baydhabo caasimadda KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed.

Tani ayaa ka dambeysay "kadib markii laga wada hadlay saluugi ay horay uga muujiyeen shirka dib u heshiisiinta, arrimahaas oo qaarkood laga wada heshiiyay qaarka kalena shirka lagu xalin doono," sidda uu sheegay xafiiska Aadan Madoobe.

"Dhanka kale, waxay wax laga xumaado ku tilmaameen shaqaaqadii ka dhacay Baydhabo 23- December 2022," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay xafiiska Aadan Madoobe.

Aadan Madoobe ayay ka dalbadeen in uu ka shaqeeyo in guryihii ay waxyeelada ka soo gaartey shaqaaqadaas lagu soo celiyo gacan ku hayntooda cidii iska laheyd si loo abuuro jawi xasiloon lagana fogaado waxkasto oo keeni kara gacan kahadal dambe lagana dheeraado wax abaabul dagaal u eg.

Tabasha kasta oo lakala qabo ayay xuseen in lagu xalin doono shirka loo madlan yahay horaanta bisha Janaayo, isagoo adkeeyay in laga wada shaqeeyo xasiloonida iyo horumarka deegaanka, si Koonfur Galbeed u noqoto meel xasilooni siyaasadeed ka jirto dadkeeda na kuwada noolyihiin kalsooni iyo Midnimo.

Dhawaqan ayaa la macno ah in musharaxiinta mucaaradka ay diyaar u yihiin ka qeybgalka wadahadaladan, balse ma cadda haddii dhanka madaxwayne Laftagareen ay xaaladu caadi ka tahay. Hogaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa todobaadkii hore Muqdisho uga qeybgalay kulanka madasha wadatashiga qaranka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM