Isbadalo lagu sameeyay shaqaalaha iyo xilalka NISA
MUQDISHO, Soomaaliya – Tan iyo markii uu xilka la wareegay taliyaha cusub ee Hay’adda NISA Mahad Maxamed Salaad, waxaa taliska nabad sugida ka billowday isbadalo lagu sameynaayo shaqaalaha iyo xilalka sida ugu yaraan laba 4 sarkaal oo ka tirsan hay’adda u sheegeen warsidaha Garowe Online.
Tallaabadii ugu horreysay ee taliska cusub ee Hay’adda ayaa noqotay in xilalkii laga qaaday taliyeyaashii garoonka diyaaraddaha Muqdisho, gobolka Banaadir iyo maaliyadda kuwaas oo ay haysteen saraakiil uu aad ugu kalsoonaa taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin oo ka baxay Muqdisho maalin kor inta aan xilka loo dhaarin madaxweynaha cusub Xasan Sheekh Maxamuud.
Mahad Salaad ayaa dhamaan magacaabay xubnaha badalaya saraakiil xilal laga qaaday.Taliyaha NISA ee gobolka Banaadir waxaa loo magacaabay Muxuddiin Warbac Shadoor, Taliyaha garoonka Aadan Cadde Xamdi Xasan Maxamuud iyo hoggaanka maaliyadda NISA oo loo magacaabay Iimaan Elman.
Dhinaca kale, hoggaanka cusub ee NISA ayaa bartilmaameedsado xubno uu u “arko in ay khatar ku yihiin shaqada”, waxaana xabsiga la dhigay ilaa saddax sarkaal oo laamaha kala duwan ee NISA ka howlgala sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Hay’adda oo si dhow ula socday isbadalka Hay’adda.
Saraakiisha la bartilmaameedsaday ee shaqada laga eryay islamarkaana xabsiga la dhigay waxaa ka mid ah Jeylaane Maxamed oo NISA u joogay qeybta Scan-ka garoonka diyaaraddaha Muqdisho sida GO u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Hay’adda.
“Taliyaha cusub ayaa shaqo culus iyo kala saaris ka wada gudaha hay’ada maadaama ay jiraan isku dhex yaac badan oo hay’adda dhexdeeda ah tan horaantii sanadkaan” ayuu yiri sarkaal ka tirsan NISA oo diiday in aan xigano magaciisa sababtoo ah looma ogola in uu ka hadlo arintaan oo xasaasi ah owgeed.
Lama oga sababta rasmiga ah ee sarkaalkaasi loo xiray inay xiriir la leedahay eryida taliyihii garoonka oo laga tirsanayay eed la xiriirto fulinta amaradii lagu dhibaateyn jiray madaxdii mucaaradka xiliyada garoonka kasoo degayeen ama ka dhoofayeen.
Mahad Maxamed Salaad, siyaasi iyo xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Khamiistii loo magacaabay Agaasimaha Hay’adda NISA oo sanadihii dambe lagu eedeeyay uguursi ka dhan siyaasiyiinta iyo kuwa dhaliila shaqada hay’adda.
GAROWE ONLINE