ISIL oo sheegatay qarax Muqdisho lagula eegtay sarkaal sirdoon

Image
Bishii hore ayay ahayd markii Daacish ay dusha saaratay weerar lagu qaadey fariisin ciidan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda la magacbaxdey dowladda Islaamka ee Daacish ayaa dusha saaratay wax ay ku qeexdey "weerar qarax loo adeegsadey" oo ay ka fulisay gudaha caasimada Muqdisho.

Qoraal kooban oo ay ciwaankeeda internet-ka ku faafisay kooxda Daacish ayay ku sheegtey in howlgalkaas ay waxyeelo ku gaarsiisey gaari uu leeyahay sarkaal ka tirsan ciidamadda Soomaaliya.

"Sidoo kale, waxaa shirqoolkaas aan ku dhaawacnay isla sarkaalkaas," ayaa lagu yiri bayaanka oo ay faafisay warbaahinta ku hadasha afka kooxdan ku jirta liiska argagixisada caalamiga ah.

War-saxaafadeedka ayaan lagu soo bandhigin magaca sarkaalka, goobta iyo goorta uu dhacay weerarkan. ISIL waxaa dhif iyo naadir ah in ay dusha saarato ama ay dhaqdhaqaaq ka sameyso magaalo madaxda.

Sheegashadan ayaa kusoo aadaysa xilli 15-kii bishan September qarax miino lala eegtay taliyaha hay'adda sirdoonka qaranka Soomaaliya ee qaabilsan degmadda Warta Nabada, Caanaboore.

Caanaboore oo wali aan si rasmi ah loo xaqiijin karn haddii ay waxyeelo kasoo gaartey falkan ayaa lagu beegsadey gudaha degmadda Shibis ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Laamaha ammaanka ee Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaan wali wax war ah kasoo aaarin weerarkan. Bishii hore ayay ahayd markii ISIL ay sheegatay qarax degmada Hiliwaa lagula eegtay fariisin ciidan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafka Siyaasadda Soomaaliya oo Hareeyay Shirka Kampala, Museveni oo Ku Baaqay Wada-hadal Loo Dhan Yahay

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jabuuti ayaa ka aragti duwanaaday soo jeedintan.

  • Soomaliya

    31-07-2026

  • 12:06PM

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM