ISIL oo sheegatay qarax Muqdisho lagula eegtay sarkaal sirdoon

Image
Bishii hore ayay ahayd markii Daacish ay dusha saaratay weerar lagu qaadey fariisin ciidan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Kooxda la magacbaxdey dowladda Islaamka ee Daacish ayaa dusha saaratay wax ay ku qeexdey "weerar qarax loo adeegsadey" oo ay ka fulisay gudaha caasimada Muqdisho.

Qoraal kooban oo ay ciwaankeeda internet-ka ku faafisay kooxda Daacish ayay ku sheegtey in howlgalkaas ay waxyeelo ku gaarsiisey gaari uu leeyahay sarkaal ka tirsan ciidamadda Soomaaliya.

"Sidoo kale, waxaa shirqoolkaas aan ku dhaawacnay isla sarkaalkaas," ayaa lagu yiri bayaanka oo ay faafisay warbaahinta ku hadasha afka kooxdan ku jirta liiska argagixisada caalamiga ah.

War-saxaafadeedka ayaan lagu soo bandhigin magaca sarkaalka, goobta iyo goorta uu dhacay weerarkan. ISIL waxaa dhif iyo naadir ah in ay dusha saarato ama ay dhaqdhaqaaq ka sameyso magaalo madaxda.

Sheegashadan ayaa kusoo aadaysa xilli 15-kii bishan September qarax miino lala eegtay taliyaha hay'adda sirdoonka qaranka Soomaaliya ee qaabilsan degmadda Warta Nabada, Caanaboore.

Caanaboore oo wali aan si rasmi ah loo xaqiijin karn haddii ay waxyeelo kasoo gaartey falkan ayaa lagu beegsadey gudaha degmadda Shibis ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Laamaha ammaanka ee Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaan wali wax war ah kasoo aaarin weerarkan. Bishii hore ayay ahayd markii ISIL ay sheegatay qarax degmada Hiliwaa lagula eegtay fariisin ciidan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM