Isku-day lagu dib-dhigayo codeynta madaxweynaha oo soo ifbaxay

Image
Garowe Online ayaa fahansan in musharaxiin ay dalbadeen in doorashadda la qabto 25-ka bishan May.

MUQDISHO, Soomaaliya - Garowe Online ayaa fahansan in qaar kamid ah musharaxiinta madaxtinimada ay isku-dayayaan in la badalo jadwalka doorashada madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya oo loo asteeyay 15-ka May.

Xogta waxay xusaysaa in ay soo jeediyeen in laga dhigo 25-ka isla bishan. Dalka ayaa lumin kara taageerada caalamiga ah haddii coddeynta ka dib-dhacdo 17-ka May maadaama ay dhaceyso waqtiga dib-u-eegista caymiska.

"Laba musharax ayaa illaa haatan ololahan bilaabay. Lama ogga sababta dhabta ah ee ku kalifto. Mana cadda haddii ay ku guuleysan doonan soojeedintaas," ayuu yiri qof si dhow ula socda dhaqdhaqaaqan.

Soomaaliya ayaa ka codsatay hay'adda lacagta aduunka in ay kordhiso mudada ay joogsaneyso dhaqaalaha dalku ka helo deeq-bixiyeyaasha oo dhacaysa 17-ka bisha May, 2022.

"Daahitaanka doorashooyinka ayaa halis geliyay nidaamkam," ayay ku doodey Muqdisho. Maamulka Farmaajo ayaa horseeday hubanti la'aanta dalka uu haatan wajahayo.

Wasaaradda maaliyadda iyo Baanka Dhexe ee Soomaaliya oo warqad u diray IMF ayaa ku andacoonaya in muhiim ay tahay in fursad la siiyo guulaha waaweyn ee illaa haatan laga soo gaareyo geedi-socodka doorashadda.

Sida laga soo xigtay war-saxaafadeedka wadajirka ah, doorashadda madaxweynaha ayaa ku qabsoomi doonta ugu yaraan 3 illaa 4 todobaad gudahooda wallow guddiga doorashadda u muddeeyay 15-ka bishan May.

Hay'adda IMF ayaan wali wax jawaab ah kasoo bixin warqadda laamaha dhaqaalaha ee Soomaaliya oo ku taariikheysan 28-ka bisha April ee lasoo dhaafay balse warbaahinta lala wadaagay ama loosoo dusiyey kol dambe.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo ugu baaqay Xasan Sheekh inuu xilka ka dego

Wuxuu Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu markii dambe ciidamo federaal ah u diray magaalada Baydhabo si xilka looga tuuro maamulkiisa.

  • Soomaliya

    21-10-2026

  • 12:20PM

Jaamac oo su’aal ka keenay sababta Lafta-gareen uu Kenya uga nool yahay si xor ah

Hadallada guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayaan khilaafaadka siyaasadeed iyo kuwa amni ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    19-10-2026

  • 10:49AM