Isku-day lagu dib-dhigayo codeynta madaxweynaha oo soo ifbaxay

Image
Garowe Online ayaa fahansan in musharaxiin ay dalbadeen in doorashadda la qabto 25-ka bishan May.

MUQDISHO, Soomaaliya - Garowe Online ayaa fahansan in qaar kamid ah musharaxiinta madaxtinimada ay isku-dayayaan in la badalo jadwalka doorashada madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya oo loo asteeyay 15-ka May.

Xogta waxay xusaysaa in ay soo jeediyeen in laga dhigo 25-ka isla bishan. Dalka ayaa lumin kara taageerada caalamiga ah haddii coddeynta ka dib-dhacdo 17-ka May maadaama ay dhaceyso waqtiga dib-u-eegista caymiska.

"Laba musharax ayaa illaa haatan ololahan bilaabay. Lama ogga sababta dhabta ah ee ku kalifto. Mana cadda haddii ay ku guuleysan doonan soojeedintaas," ayuu yiri qof si dhow ula socda dhaqdhaqaaqan.

Soomaaliya ayaa ka codsatay hay'adda lacagta aduunka in ay kordhiso mudada ay joogsaneyso dhaqaalaha dalku ka helo deeq-bixiyeyaasha oo dhacaysa 17-ka bisha May, 2022.

"Daahitaanka doorashooyinka ayaa halis geliyay nidaamkam," ayay ku doodey Muqdisho. Maamulka Farmaajo ayaa horseeday hubanti la'aanta dalka uu haatan wajahayo.

Wasaaradda maaliyadda iyo Baanka Dhexe ee Soomaaliya oo warqad u diray IMF ayaa ku andacoonaya in muhiim ay tahay in fursad la siiyo guulaha waaweyn ee illaa haatan laga soo gaareyo geedi-socodka doorashadda.

Sida laga soo xigtay war-saxaafadeedka wadajirka ah, doorashadda madaxweynaha ayaa ku qabsoomi doonta ugu yaraan 3 illaa 4 todobaad gudahooda wallow guddiga doorashadda u muddeeyay 15-ka bishan May.

Hay'adda IMF ayaan wali wax jawaab ah kasoo bixin warqadda laamaha dhaqaalaha ee Soomaaliya oo ku taariikheysan 28-ka bisha April ee lasoo dhaafay balse warbaahinta lala wadaagay ama loosoo dusiyey kol dambe.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM