Israsaasayn ka dhalatay khilaafka haamaha shidaalka Berbera

Image

21 Octobar, 2015(GO)-Booyad shidaal oo mareysay wadada u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera ayaa maanta dabley ay rasaas la dhaceen, sida gudoomiyaha gobolka Saaxil ee Berbera Fahmi Cabdi Bidaar uu BBC u xaqiijiyay goor dhoweyd

Waxaa kaloo gudoomiyuhu uu cadeeyay in dabley kale iyana rasaas ka rideen saaka wadada u dhaxaysa Berbera iyo magaalada sheekh .

Wuxuu intaa ku daray gudoomiyuhu inay garanayaan dhallinyarada wadooyinka ka baxa berbera rasaasta ka rideysa, oo imikaba ayuu yidhi ay ciidamo boliis oo ka soo kala baxay Berbera iyo Hargeysa ay ku raad joogaan dhallinyaradaasi.

Shan nin oo ka soo jeeda dadka deegaanka Berbera ayaa midkiiba min hal bil oo xadhig ah ay ku xukmeen gudiga nabad gelyada ee gobolka Saaxil , sida uu BBC u xaqiijiyay gudoomiyaha gobolku Fahmi Cabdi Bidaar .

Guddoomiyaha ayaa sababta raggaasi loo xiray ku sheegay inay tahay iyagoo abaabul ciidan ka waday wadooyinka ka baxa magaalada Berbera .

Warar madax banaan ayaa sheegaya in dadweynaha deegaanka Berbera badidoodu ka soo horjeedaan go'aanka xukuumaddu ugu wareejisay haamaha keydka shidaalka ee Berbera sharikao ganacsi oo aan tartan furan u soo marin , iyadoo Baarlamaankuna hore cod aqlabiyad ah uu ku diiday wareejinta haamaha shidaalka ee Berbera.

Xigasho: BBC

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM