​Istanbul: Shirk arrimaha Somalia oo fumray

Image
Image
Image
Image
Image

ISTANBUL- Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyib Erdogan, ayaa goor dhaweyd si rasmi ah u furay shirka looga hadlay arrimaha Somalia gaar ahaan amniga iyo siyaasadda. 

Kulankan oo kafurmay magalada Istanbul, waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisal wasaare Sharmake, xubno ka tirsan golayaasha fulinta iyo sharci dajinta Somalia, Madax ka socota maamul goboleedyada qaybtood, Ergooyin matalaya 50 dal iyo hay’ado caalami ah. 

Shirkan oo socon doona labo maalinta waxaa diiradda lagu saarayaa xaaladda amni ee Somalia halka ay marayso, iyo mida siyaasadeed, waxaana sidoo kale la filayaa in lagu soo hadal qaado doorashada dalka ka dhici doonta 2016, taasoo lagu salaynayo 4.5 waloow maamulka Puntland diidanyahay. 

Madashaan ayaa  waxa ka maqan dowlada Puntland kadib markii ay ka biyo diidey mowqifka dowlada Federaaka ee ku aadan doorashada lagu soo xulayo Barlamanka Somalia 4.5. 

Madaxweyne Turkiga Erdogan oo furitaankii kulanka ka hadlay ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay kaalin ka qaataan qaabkii loo taageeri laha dalkan mudada dheer colaadda ku jiray. 

Inta madashan lagu jira, waxaa shir gudoomin doona Madaxweynayaasha labada dalka Turkiga iyo Somalia, waxaana gunaanadka lasoo saari doona wixii kasoo baxay kulamadan. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM