Itoobiya ka hadashay qorshaha Masar ee Ciidamada ku keenayso Soomaaliya

Image

MUQDISHO - Itoobiya ayaa walaac xooggan ka muujisay qorshaha dowladda Masar ee ciidamo ku biirinaysa howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyadoo sheegtay in arrintaasi ay horseedi karto xiisad siyaasadeed oo cusub.

Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya, Amb. Suleyman Dedefo Woshe, ayaa sheegay in Masar aysan horey ugu guuleysan dadaallada nabad ilaalineed ee gobolka, wuxuuna tusaale u soo qaatay dalalka Libya, Suudaan iyo Falastiin oo uu sheegay in aysan wax muuqda ka qaban.

“Masar ma lahan waayo-aragnimo la isku halleyn karo oo ku saabsan howlaha nabad ilaalinta, mana jirto sabab ay Soomaaliya uga hormarto dalalka dariskeeda ah,” ayuu yiri safiirka.

Wuxuu sidoo kale sheegay in Itoobiya aysan ogolaan doonin faragelin kasta oo ka dhan ah danaha ay ku leedahay Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyay in joogitaanka Masar uusan khatar gelin doonin madaxbannaanida Itoobiya.

“Ciidamada Masar haddii ay doonayaan in ay caawiyaan amniga gobolka, haka bilaabaan deriskooda. Soomaaliya kuma tijaabin karaan awooddooda,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Ciidamada Masar wax ka tari maayaan caqabadaha amni ee ka jira Soomaaliya; haddii ay caawin lahaayeen cid, waxay caawin lahaayeen Falastiin, Libya, iyo Suudaan oo dariskooda ah,” ayuu yiri Danjiraha Itoobiya u fadhiya Soomaaliya, Suleiman Dedefo Woshe.

Xiisadda cusub waxay kusoo beegmaysaa xilli uu weli taagan yahay muranka u dhexeeya Masar iyo Itoobiya ee ku saabsan mashruuca Biyo-xireenka Weyn ee Nile, kaas oo Masar ay aaminsan tahay inuu khatar ku yahay biyaha ay hesho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM