Jabuuti: Marna ma joojineyno taageeradeena Soomaaliya

Image
Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa hadalkan ka dhawaajiyey.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowlada Jabuuti ayaa shaaca ka dhigtey in aysan marnaba u hakin doonin khilaafyadda siyaasiga ah taageeridda Soomaaliya, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda ee waddankaas.

Maxamuud Cali Yuusuf ayaa hadalkan wuxuu Isniinta maanta ah ka sheegay Madasha Aragti-wadaaga Heritage kaasoo maanta bilowdey. Kulankaas waxaa ka qeybgalay madax hore, kuwa haatan xil haya iyo siyaasiyiin.

Yuusuf oo hadalkiisa sii wata ayaa si gaar ah wuxuu carabka ugu adkeeyay in ay sii wadayaan in ay Soomaaliya ka taageeraan la dagaalanka argagixisadda oo uu ku sifeeyay "dagaal aduunka u siman yahay".

"La dagaalanka argagixisadda waa dagaal uu aduunka u siman yahay. Dadka ku dhimanaya waa wiilasheena waa askarteena. Jabuuti, Soomaaliya, Kenya, Itoobiya iyo aduunka way u siman yihiin ciribtirkooda," ayuu tibaaxay.

Sida laga soo xigtey Yuusuf, kooxaha argagixisadda ah ee ka howlgala qaybo badan oo kamid ah gobolka Geeska Afrika intooda badan waxay ka been-sheegaan Diinta suuban ee Islaamka.

"Dad ayaa fal-dambiyeed ku dhaqaaqaya ayaga oo xeran shaarkii Islaamka. Waxay ku leeyihiin waxaan nahay Islaamkii saxda ahaa ku dhaqmayey. Laakiin haddii aad fiirsato meelaha ay ka dagaalamayaan waxaa kusoo baxaysa in ay ka ganacsadaan dhoofinta dadka. Marka waxaad moodaa in ay marba shaar soo xiranayaan, la dagaalankoodana wuu soconayaa," ayuu yiri.

Al-Shabaab oo gacansaar la leh shabakadda argagixisadda ah ee Al-Qaacida ayaa haatan loo aqoonsan yahay halista ugu weyn ee gobolka Geeska Afrika maadaama ay muddooyinkii dambe xoojisay howlgalada abaabulay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM