Jabuuti oo shaacisay hindise “xal u ah” xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya

Image
Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa fahfaahin ka bixiyey hindisahan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in dalkiisu uu hayo hindise lagu xallin karo khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Waxa uu BBC-da u sheegay in dalkiisu uu soo jeedinayo in Itoobiya uu siinayo marinka badda iyo, “Boqolkiiba boqol maamulka dekedda,” iyo waddo cusub oo horay loo dhisay.

Maxamuud ayaa waxa uu sheegay in ay noqon doonto dekedda Tadjoura oo 100KM u jirta xuduudka Itoobiya.

"Markaa marin-u-helidda badda ee Itoobiya dhib kuma ahaan doono," ayuu yidhi.

Youssouf ayaa sheegay in Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu fursad u heli doono in uu kala hadlo soo jeedinta madaxda labada dal inta lagu guda jiro shir madaxeedka Shiinaha iyo madaxda Afrika todobaadka soo socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM