Jadwalka doorashada kuraas Aqalka Hoose ah oo la shaaciyey

Image
Xulista mudaneyaasha Golaha Shacabka ayaa si dardar leh uga soconeysa qaar kamid ah gobolada dalka.

MUQDISHO, Soomaaliya – Guddiga doorashada ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo saaray jadwalka doorashada saddex kursi oo ka mid ah xubnaha deegaan doorashadooda ay tahay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Saddexda kursi ee la shaaciyey ayaa kala ah HOP#126, HOP#118 iyo HOP#127, sida ku xusan warqadda kasoo baxay guddiga doorashada ee heer dowlad goboleedka Jubbaland.

Kuraastan ayaa waxaa ku kala fadhiyey : HOP#126 Maxamed Xasan Idiris, HOP#118 - Swaqar Ibraamin Cabdalla - iyo HOP#127  Cali Cismaan Xirsi.

Guddiga ayaa ku dhowaaqaday in doorashada saddexdaan xubnood la qaban doono 26-ka bishan Janaayo oo ku beegan maalinta Arbacada ee soo socota.

Dhinaca kale, guddiga doorashada Koonfur Galbeed ayaa isna shaaciyey jadwalka saddex kursi oo ka mid ah kuraasta taalla deegaanada maamulkaasi.

Kuraasta la shaaciyey ayaa kala ah HOP#056 oo uu ku fadhiyay Maxamed Jaamac Mursal, HOP#002 oo uu ku fadhiyay Cabdullaahi Sheekh Maxamuud iyo HOP#231 oo uu ku fadhiyay Maxamuud Macalin Yaxye.

Sidoo kale, guddiga ayaa jadwalka uu soo saaray ku sheegay in doorashada kuraastan la qabanayo 25-ka bishan Janaanyo ee sanadkan 2022-ka.

Koonfur Galbeed ayaa shalay soo saartay illaa shan xildhibaan, kadib doorasho ka dhacday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM