Jahwareerka ka taagan xafiisyada warfaafinta Dowladda Soomaaliya

Image
Xafiisyada madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha ayaa lasoo wariyay in ay ka jirto mushkilada ugu weyn.

MUQDISHO, Soomaaliya – Ku dhowaad labo sano uu huursanaa khilaafkan xarga-goostay, waxaa banaanka yimid jahwareer dhanka warfaafinta ah oo ka taagan xafiisyadda ugu sareeya Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Xafiiska warbaahinta Villa Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay midka uu taag-taaga ugu ballaaran ka taagan yahay, iyadda oo todobaadkii lasoo dhaafay uu Agaasinka War-fidiyeenka diidey shaqo joojin lagu sameeyya.

Cabdiqaadir Dige oo qeyb ka ahaa kooxdii ololaha madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lasoo wariyay inuu la wareegay maamulka Page-ka Madaxtooyadda taas oo soo dadajisay in hoos loo dhigo xiisadda.

Agaasimaha Madaxtooyadda, Cabdixakiim Yuusuf, ayaa soo saarey warqada shaqo joojinta 20-kii bishan, isaga oo Cabdiraxmaan Xudeyfi si ku meelgaar ah ugu magacaabay jagadaas, wallow uusan shaqo gelin.

Xudeyfi oo ku qoondo siyaasadeed ah Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu garab ka helayaa xubno uu kamid yahay Agaasime Cabdixakiim kaas oo ku goodiyay inuu is-casilayo haddii uusan bixin Dige.

Intaas waxaa wehlisa, afhayeenkii hore ee Villa Soomaaliya Cabdikariim Cali Kaar ayaa isaga tagay shaqadii Madaxtooyadda ka gadaal markii ay is-mari-waayeen Agaasime Dige.

“Madaxwayne Xasan Sheekh oo xal u waayay labo kamid ah howlwadeenada xafiiskiisa miyaa xal ka sugaysaa guud ahaan Soomaaliya?” ayuu yiri mid kamid ah dadka baraha bulshadda uga faallooday mashaqadan taagan.

Dhanka kale, xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya qeybtiisa warfaafinta ayaa isagana waxa uu wajahayaa fadeexad kadib markii Agaasinka uu abuuri waayay jawi uu kula shaqeeyo warbaahinta madaxa-banaan.

Ugu yaraan labo jeer ayay saxaafadda Muqdisho qaadacdey munaasabad uu ka qeybgalayay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre kaliya bishan wallow markii ugu dambeysay lagu maareeyay wadahadalo bilowday.

Telefishinka dowladda ayaa kamid ah meelaha saluuga ugu ballaaran ay ka muujiyeen mas'uuliyiinta iyadda oo kaliya laga sii daayo muuqaalada xubnaha saaxiibada la ah Madaxda Wasaaradda Warfaafinta.

Dhacdooyinkan ayaa waxay sii xoojinayaa fashilka maamulka Xasan Sheekh ka haysta maareynta warbaahinta taas oo si weyn u wiiqeysa in fariinta dowladda ay gaarto dadweynaha haddii aanan si degdeg loo xalin.

Is-qab-qabsiga ka taagan waaxyada warfaafinta xafiisyadda dalka ugu sareeya ayaa waxaa la aaminsan yahay in ay ku lug-leeyihiin Xildhibaano kala taabacsan darafyadda u hardamaya qabashada xilkaas taasoo wiiqaysa madaxda dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: DFS oo Ciidan geysay Xadka Kenya iyo Dagaal laga digay inuu dhaco

Ciidamada Jubaland ayaa ku guuleystay inay ka adkaadaan ciidamada Gorgor ee sida gaarka ah u tababaran bishii Nofeembar.

  • Soomaliya

    10-01-2025

  • 11:49AM

Fiqi oo Wadahadal la yeeshay Taher Al-Baour

Labada dhinac ayaa dib u cusbooneysiiyay ballan-qaadkooda ku aaddan xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah si loo gaaro amni.

  • Soomaliya

    09-01-2025

  • 09:45AM