James Swan oo wareejinaya xilka ergayga UN-ka ee Soomaaliya

Image
Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa kulan sagootin ah la yeeshay ra'iisul wasaare Xamse.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaare Hamza Abdi Barre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.

Wakiilka ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyay hawlaha xafiiskiisa iyo hey’adaha kale ee Qaramada Midoobay ay ka wadaan dalka gaar ahaan – hawlaha gurmadka abaaraha iyo gacan ka geysashada sidii loo xasillin lahaa, isla markaana samafal iyo adeegyada aasaasiga loo gaarsiin lahaa dadka ku dhaqan goobaha laga xorreeyay kooxda argagixisada.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay James hawlihii kala duwanaa ee uu qabtay dalka intii uu joogay.

"Waxaan maanta xafiiskayga ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Danjire James Swan oo iga warbixiyay howlaha xafiiskiisa iyo shaqooyinka Hay’addaha kale Qaramada Midoobay ka wadaan dalka ,gaar ahaanna Howlaha la xiriira gurmadka abaaraha iyo kaalintooda ku aadan sidii kaalmo loo gaarsiin lahaa dadka ku dhaqan goobaha laga xorreeyay Khawaarijta," ayuu Xamse kusoo qoray ciwaankiisa Facebook-ga.

Wuxuu raaciyey: "Waxaan Danjire Swan uga mahadceliyay howlihii shaqo ee kala duwanaa ee uu ka qabtay dalka mudadii uu joogay, waxaana ka dhagaystay dardaarankiisa ku aaddan sidii uu Xafiiska Qaramada Midoobay ula sii shaqeyn lahaa Dowladda Soomaaliya".

James oo dhowaan wareejin doona xilka Wakiilka Xoghayaha Guud ayaa kulanka kadib waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu guddoonsiiyay haddiyado. Qaramada Midoobay ayaa la filayaa in ay soo magacowdo ergay cusub.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM