Janan oo ka jawaabay baaqa hub ka dhigista ee maamulka Mandera

Image

KISMAAYO, Jubaland – Cabdirashiid Janan ayaa ka jawaabay hadalka kasoo yeeray maamulka ismaamulka Mandera ee Kenya, oo ku saabsanaa in lagu sameeyo hub ka dhigis isla markaana uu ka baxo gobolkaas.

Mas'uuliyiinta ayaa tibaaxay in Janan uu degan yahay hotel ku yaala Mandera, halkaasna uu ku haysto ciidamo khalkhal iyo cabsi ku abuuray shacabka, sidda ay maanta u sheegeen warbaahinta madaxa banaan.

Wasiirka Amniga Jubaland ayaa sheegay in uusan ku sugneyn gudaha dalka Kenya, isla markaana uu haatan joogo qayb kamid ah magaaladda Beledxaawo.

"Kenya waa dal aan saaxiibo nahay waana tegayaan xiligan doono, maalin dhaweyd baan Nairobi ka yimid, balse hadda ma joogo Mandera, waxaan ku suganahay xaafad ka tirsan Belexaawo," ayuu u sheegay VOA.

Dhanka kale, Janan ka waramay qorshihiisa xiga ee gobolka ayaa ku tilmaamay sidii Gedo dib ugu soo celin lahaa nidaamka dowladnimada, xasiloonida iyo baacsiga Al-Shabaab.

Mar uu ka jawaabay eedeynta ku saabsan in dhaqdhaqaaqyadda uu wado ay u muuqaneyso "in uu isku dirayo" Soomaaliya iyo Kenya ayuu xusay "meesha uu isku dirka ka socdo waa Villa Soomaaliya".

Gabagabadii, wasiir Janan oo ka falceliyey qoraaladii ay xaaladiisa kasoo saartay Hay'adda Amneyst ayaa ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan "laba shaqsi oo ku heeb ah, kuwaasoo ay ku shaqeysaneyso dowlada".

"Amneyst hadii ay ka shaqeyneyso cadaalada may u raadiso dadka lagu laayey Baydhabo iyo aniga oo banaanka sharciga muddo shan bilood ugu afduubnaa dowladda Soomaaliya," ayuu kusoo afmeeray hadalkiisa.

MUUQAALKA JANAN

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: “Danaha Somaliland ayaan u shaqeynayaa, ma aha Falastiin”

Madaxweynaha ayaa xusay in Somaliland ay muddo 35 sano ah raadineysay aqoonsi iyo taageero caalami ah, oo ay ku jiraan dalalka Islaamka.

  • Soomaliya

    01-07-2026

  • 09:11AM

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM