Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo
Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xil u magacawdey Wasiirkii hore ee Amniga Jubaland, Cabdirashiid Janan, kaas oo horay Amnesty International ugu eedeysay xadgudubyo dhanka xuquuqda aadanaha ah, si ay ugu guuleysato hanashada maamulka gobolka Gedo, oo xiisad cusubi ka taagan tahay.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa Isniintii kulan gaar ah kula yeeshay Janan magaalada Muqdisho, halkaas oo ay uga wada hadleen xaaladda amni ee kasii dareysa ee Gedo, gaar ahaan degmada Beled Xaawo oo ku taalla xuduudda Kenya oo Jubaland maamusho.
Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in kulanka looga hadlay qorshaha dowladda dhexe ee lagu xaqiijinayo gacanta ku haynta gobolka iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa qorshaha doorashooyinka muranka ka taagan ee uu wato Xasan Sheekh Maxamuud.
Wararka ayaa sheegaya in Janan laga dhigayo taliyaha xasilinta gobolka Gedo xili Doolow laga soo celiyay diyaarado wadey Ciidamada dowladda Soomaaliya oo Muqdisho laga qaadey.
Sidoo kale, dowladda federaalka ayaa toddobaadkan ciidamo dheeraad ah geysay goobo istiraatiiji ah oo ka tirsan Gedo, iyadoo diiradda la saarayo Beled Xaawo. Ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in ciidamada Jubaland weli ay gacanta ku hayaan qaybo ka mid ah degmada, islamarkaana ay kordhiyeen dhaq-dhaqaaqyadooda milatari, gaar ahaan agagaarka garoonka diyaaradaha.
Khilaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo Jubaland ayaa soo jiitamayay sannado badan, iyadoo salka ku haya is-maandhaaf ku saabsan doorashadii sanadkii hore Kismaayo ka dhacday, maamulidda Gedo iyo arrimaha doorashooyinka.
Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh, halka Jubaland ay ku adkeysaneyso in gobolkaasi yahay qeyb ka mid ah dhulkeeda.
Cabdirashiid Janan ayaa lagu eedeeyay dambiyo culus oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Warbixinno Amnesty iyo UN monitering Group soo saareen 2019 ayaa muujinaya in intii u dhaxeysay 2014 ilaa 2015, Janan uu si toos ah ugu lug lahaa falal ay kamid yihiin dilal, jirdil, xabsi aan waafaqsaneyn sharciga, iyo dad la qabtay oo dowlado shisheeye loo gacan geliyay, oo lagu sameeyay shacabka Gedo.
Guddiga QM ee la socodka arrimaha Soomaaliya, ayaa sheegay in ficilladaasi ay ka dhaceen gobolka Gedo, gaar ahaan degmooyin ay ka mid yihiin Beled Xaawo iyo Luuq, xilli uu Janan hayay xilka Wasiirka Amniga ee Jubaland. Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaantay in dadka la beegsaday ay u badnaayeen shakhsiyaad loo arkayay inay kasoo horjeedaan maamulka Jubaland ama ay xiriir la leeyihiin dowladda federaalka.
GAROWE ONLINE