Jeneraal: Dagaal Shabaab, maamulada qaar far baa ku godan

Image
Hogaamiyeyaasha dowlad goboleedyada qaar ayaa lala xiriiriyey "in ay xukunkooda ku ilaashanayaan Al-Shabaab".

MUQDISHO, Soomaaliya - Hadalada kasoo yeeraya madaxda maamuladda iyo ficiladooda ku wajahan dagaalka Al-Shabaab waa kuwa is-burinaya, sida uu sheegay taliyihii hore ee hay'adda sirdoonka qaranka.

Cabdiraxmaan Tuuryare oo u waramay Garowe Online Twitter Space ayaa carabka ku adkeeyay in hohgaamiyeyaasha dowlad goboleedyada qaarkood looga baahan yahay in ay iska saaraan "fartan ku godan".

Inkasta oo uu ka gaabsadey in uu carabaabo madaxwayneyaashan, hadana illaa haatan degaaandda aysan wali ka bilaaban howlgalada waxay kala yihiin Jubaland iyo Koonfur Galbeed.

Labadan maamul ayaa kamid ah goobaha ay sida ugu xooggan joogitaanka ugu badan ku leeyihiin dagaalameyaasha gacansaarka la leh shabakadda argagixisadda caalamiga ah ee Al-Qaacida.

Jubaland gobol dhan ayay ka joogaan waana Jubada Dhexe, halka Koonfur Galbeed ay go'doomiyeen magaalooyin dhowr ah. Hase ahaatee, lama ogga haddii fariinta Jeneraal Tuuryare ay ku socota labadda maamul.

"Maamuladda qaarkood far baa ku gudan. Xan waxaa laga sheegayaa in ay Shabaab ku ilaashanayaa kursiga. Haddii aysan midaas jirin waa in ay is-waafujiyaan hadalkooda iyo ficilkooda," ayuu ka dhawaajiyey.

Geesta kale, laamaha ammaanka caasimadda Muqdisho ayuu ku booriyey feejignaan dheeraad ah "maadaama argagixisadda kusoo jabtey caasimadda ay kusoo qulqulayaan magaala madaxda dalka".

"Argagixisada markii ay kusoo jabeen gobolada waxay baabuurta caadiga ah kusoo galayaan Xamar; hay'adaha ammaanka waa in ay irdaha laga soo galo magaalada ay dhigaan baro kontaroolo lagana sameeyo xabsiyo ku meelgaar ah," ayuu tibaaxay.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ay jireen digniino ammaan oo qaarkood ka imaanayay safaaradaha reer galbeedka ee ku dhex-yaala xeyndaabka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Mid kamid ah warbixinada ayaa muujiyey in Al-Shabaab ay beegsan karaan goobaha ay dadka shacabka ah ku badan yihiin gaar ahaan isgoysyadda Dabka iyo Hoteelo caan ah oo uu ku jiro Mansoor iyo Colow Tower.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM