Joe Biden oo fariin qoraal ah isoo diray madaxweynaha Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Farriin qoraal oo uu soo diray Madaxweynaha Dowladda Mareykanka Joe Biden oo nuqul ka mid ah Warbaahinta Qaranka Soomaaliya ay soo gaarsiisay Safaaradda Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya ayuu ku muujiyay garab istaaga guulaha Soomaaliya ka gaartay Dowlad dhiska iyo tahniyadda debbaal degga maalmaha taariikhiga ah ee xorriyadda iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed.

Mudane Biden waxaa uu ugu horeyn ku bilaabay dhambaalkiisa,” Mudane Madaxweyne, Anigoo ka wakiil ah shacabka Mareykanka waxaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu hambalyaynayaa xuska sanad guuradii 64-aad ee maalinta xoriyadda”

Madaxweynaha Mareykanka waxa uu ku bogaadiyay Soomaaliya horumarka Dowladda Federaalka ka sameysayso Dowlad dhiska.

“Anaga oo ah saaxiib weyn, qarankeena waxaa uu si wadajir ah u dhisayaa duni u wanaagsan carruurteenna iyo carruurta caalamka meelkasta oo ay joogaan. Dowladda Mareykanka waxay Soomaaliya ku taageersan tahay sii socoshada dedaalada lagu horumarinayo amniga laguna dhisaayo kobac dhaqaale oo isku dhafan, horumarinta hanaanka dowliga ah, xuquuqda aadanaha iyo wax ka qabashada isbedelka cimilada iyo abaaraha” ayuu yirri Madaxweyne Biden

Mudane Biden waxa uu tallaabo tusaale cad ah ku tilmaamay doorashada Soomaaliya loo doortay kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

“In Soomaaliya dhowaan loo doortay in ay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxay tusaale u tahay horumarka wadankiinu gaaray iyo kalsoonida caalamku siiyay Soomaaliya” ayuu yirri

Ugu dambeyn Madaxweynaha Mareykanka waxaa sheegay in labada dhinac ee Soomaaliya iyo Mareykanka ay ka go’an tahay sii wadidda xoojinta calaaqaad labada dal

“ Sanadka soo socda, waxaan rajaynayaa in xiriirkeennu xoogaysan doono maadaama Soomaaliya qaadan doonto mas'uuliyadda amniga wadanka ka dib bixitaanka ATMIS. Waxaa idin rajaynayaa farxad iyo in aad nabad ku dabbaal degtaan adingoo maamusaya maalinta qarannimada Soomaaliya”

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Ciraaq oo ka shiray cusbooneysiinta xiriirka ka dhaxeeya

Wasiirka koowaad ee Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu ka warbixiyay "guulaha ay gaartey xukuumadiisa".

  • Soomaliya

    07-07-2024

  • 01:08PM

Maamulka Xasan Sheekh oo $7.8 milyan u diray Ururka Bariga Afrika

Lacagtan ayaa lagu darayaa miisaaniyadda Ururka Bariga Afrika sanad maaliyadeedka 2024/25.

  • Soomaliya

    07-07-2024

  • 12:53PM